Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti(Masawiro)

March 12, 2014 - Written by Editor

720Jabuuti:-Madaxweyne  Gelle ayaa xafiiskiisa si rasmi ah ugu qaabilay wafdi sare oo uu hogaaaminayo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo ay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Cali Axmed Faatax iyo Wasiirka Howlaha Guud Cabdirashiid Max’ed Xirsi.

Madaxweyne ismaaciil ayaa tilmaamay inuu soo dhoweynayo isbedelkasiyaaasadeed ee Puntland ka dhaashay, isla markaana dowladda Dowladda Djibouti ay si dhow ula shaqayn doonto Puntland.

* “Waxaan idinku soo dhoweynayaa dalkiina labaad ee Djibouti , waxaana kufaraxsanahay inaan idin casuno bacdamaa uu jiro xiriir wanaagsan oo Puntland iyo Djibouti ka dhexeeya, waxaan kaloo soo dhoweynaynaa is beddelka dhanka siyaasadda ee Puntland ka dhashay bilihii lasoo
dhaafay”*ayuu yiri madaxweyne Gelle.

Madaxweyne Cabdiweli waxa uu madaxda Djibouti uga mahad celiyay casumaada ay u sameeyeen ,wuxuuna sheegay inuu kufaraxsan yahay booqashada ay ku tageen Djibouti.

Madaxweyne Gaas wuxuu u sheegay madaxda Djibouti in ay kor u qaadi doonaan xiriirka Puntland iyo Djibouti, maadaama dalalka gobolka oo dhan ay dadaal ugu jiraan in horu maro badan la gaaro.

no images were found

* “Waxaan idiinka mahad celinaynaa sida wanaagsan ee derisnimada iyo walaaltinimadu ku dheehantahay ee aad noo casunteen ,dhankayaga waxaanu markasta kor u qaadi doonaa xiriirka inaga dhexeeya, Puntland waxay ku haminaysaain horu mar wanaagsan la gaaro, amaankana la adkeeyo, dalalka gobolka ku yaalna sidaas ayay u diyaarsan yihiin”*ayuu yiri madaxwene Gaas.

Wafdiga madaxweynaha ayaa Djibouti sii joogi doona mudo kooban iyagoo kulamo kale la qaadanaya madaxda Rugta ganacsigaDjibouti iyo safiirad dalalka deeqaha bixiya eek u sugan dalka Djibouti.

Docda kale Madaxweynaha PuntlandDr Cabdiweli Max’edCali Gaas wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisal wasaaraha Djibouti Cabdiqadir KamilMax’ed, waxayna si qota dheer uga wada hadleen xiriirka labada dhinac iyo arrimo kale.

Madaxweyne Gaas ayaa Ra’iisal wasaare Kamil uga mahad naqay , soo dhoweynta iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ay madaxda Djibouti u muujiyeen wafdiga Puntland oo isagu uu hogaaminayay.

Ra’iisal WasaarahaDjiboti Cqadir Kamil Max’ed waxa uu tilmaamay in Dowladda Djibouti ay markasta diyaar u tahay adkaynta xiriirka Puntlanda ay laleeeyihiin.

Madaxweyne Gaas ayaa dhankiisa u sheegay Ra’iisal Wasaare Kaalim in Puntland iyo madaxda cusub oo dhan ay diyaar u yihiin sidii loo kordhin lahaa xiriirka labada dhinac.

* DHAMAAD*

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online