Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdiyo ka socday Safaaradda Britain iyo Hay’adda FAO

March 4, 2014 - Written by Editor

FAO4Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta ku qaabilay xarunta Madaxtooyadda wafdi sare oo ka socday safaaradda Britain ee Somalia.

Waxa horkcayay Mr. Grant Calder oo ay wehelinayeen Rebbeca Terzoon, Dave Mcfarland, Abdinasir Ogle iyo Michael Cox, waxana iskugu jireen la-taliyaal dhanka siyaasadda iyo saraakiil gaashaandhiga ah.

Kulanka waxa looga hadlay sidii Britain gacan uga siin lahayd Puntland xoojinta nabadgelyadda, kaalmooyinka bini’aadanimo, mashaariicda horumarineed, dimoqraadiyadda iyo sidii Britain u dedejin lahayd mashaariicda sanadkan la qorsheynayo in laga fuliyo Puntland.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahaceshay Britain dadaalka ay la garab taagantahay Puntland iyo weliba sida ay joogtadda uga qayb qaadato barnaamijyadda horumarineed.

Dhanka kale waxa uu caawa qaabilay Madaxweynaha Puntland wafdi ka socday hay’ adda FAO oo Puntland ka fulisa mashaariic la xiriirta xanaanada xoolaha, kaaluumeysiga iyo deegaanka.

no images were found

Waxa hogaaminyay wafdiga madaxa FAO Somalia/Kenya Mr. Luca Alinovi, waxana ay warbixin ka siiyeen madaxweynaha mashaariicda ay fuliyeen kuwa ay wadaan iyo qorshayaasha soo socda.

FAO waxay balanqaaday sii wadida taageeradda ay Puntland siiso dhanka horumarinta xoolaha oo ugu wayn ilaha dhaqaalaha, kobcinta wacyigelinta kaluumeysiga iyo sidii gacan uga gaysan lahayd ilaalinta deegaanka.

Xafiiska Madaxweynaha Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online