Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay wadanka Jabuuti.[Masawiro]
March 11, 2014 - Written by EditorJabuuti:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti.
Madaxweyne dowladda Puntland Dr. Gaas ayaa casumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Jabuuti, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha Jabuti Ismacil Cumar Gelle, Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Abdul-qadir Kaamil Max’ed iyo sidoo kale golaha wasiirada Jabuuti, waxayna ka wada hadli doonaan arimaha dhaqaalaha, xiriirka labada dhinac, amaanka iyo arrimo kale oo fara badan.
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Gelle waxaa ay isku arki doonaan aqalka madaxtooyada Jabuuti, halkaasi oo ay ku yeelan doonaan kulan waqti badan qaadanaya, iyagoo ka wada hadlaya arrimo ay ugu muhiimsan tahay adkaynta xiriirka labada dhinac.
no images were found
Madaxweyne Cabdi-weli waxa uu sii joogi doonaa dalka jabuti maalmaha soo socda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ganacsiga dalkaasi oo ay ugu horraysay Rugta Ganacsiga Jabuuti, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya ganacsatada jabuti iyo Puntland.
DHAMAAD.
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi galinta
IyoHiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Dowlada Puntland.