Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay wadanka Jabuuti.[Masawiro]

March 11, 2014 - Written by Editor

jabuutiJabuuti:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda Jabuuti ee dalka Jabuuti, waxaana garoonka Jabuuti kusoo dhoweeyey masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweyne dowladda Puntland Dr. Gaas ayaa casumaad rasmi ah ka helay madaxda sare ee Jabuuti, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha Jabuti Ismacil Cumar Gelle, Ra’iisal wasaaraha Jabuuti Abdul-qadir Kaamil Max’ed iyo sidoo kale golaha wasiirada Jabuuti, waxayna ka wada hadli doonaan arimaha dhaqaalaha, xiriirka labada dhinac, amaanka iyo arrimo kale oo fara badan.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Gelle waxaa ay isku arki doonaan aqalka madaxtooyada Jabuuti, halkaasi oo ay ku yeelan doonaan kulan waqti badan qaadanaya, iyagoo ka wada hadlaya arrimo ay ugu muhiimsan tahay adkaynta xiriirka labada dhinac.

no images were found

Madaxweyne Cabdi-weli waxa uu sii joogi doonaa dalka jabuti maalmaha soo socda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda ganacsiga dalkaasi oo ay ugu horraysay Rugta Ganacsiga Jabuuti, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya ganacsatada jabuti iyo Puntland.

DHAMAAD.
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi galinta
Iyo
Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Dowlada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online