Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Bosaaso kula kulmay Qaybaha kala duwan ee Bulshada.[Masawiro]
March 24, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyda Bosaaso ku qaabilay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bar, kuwaasi oo isugu jiray odayaal dhaqameed, aqoon yahan,dhalin yaro iyo haween.
Dadkii kulanka ka qayb galay ayaa siyaabo kala duwan u tilmaamay xaaladda gobolka iyo baahiyha taagan ee u baahan in waxqabad loo midaysan yahay laga sameeyo, iyagoo si adag Dowladda uga codsaday inay ka dhabayso isbedelkii ay ballan qaaday.
Madaxweynaha ayaa bulshadii uu la kulmay kala hadlay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan siddii nabad galyada loo adkayn lahaa, wuxuu kale oo ku adkeeyey inay Dowladda taageeraan si horumar loo gaaro. Wuxuu kale oo u tilmaamay in ay cashuurta bixiyaan si loogu tallaabsado is bedelkii uu ballan qaaday waqtigii uu musharaxa ahaa, isagoo sheegay in is bedelkaasi uu ku imaan karo is kaashi iyo wada jir dhamaystiran.
no images were found
Kulankaan ka dib waxaa madaxweynuhu uu kormeer shaqo ku tagay Dekedda weyn ee magaalada Bosaso,xafiisyada wasaaradaha dekedaha, maaliyadda iyo kalluumaysiga, wuxuu sidoo kale tagay Airport-ka magaalada Bosaaso, wuxuuna dhamaantood ka dhagaystay warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan iyo waxqabadka ay sameeyaan.
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo
Hiddah Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland.
-DHAMAAD-
Dhamaad