Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Bosaaso kula kulmay Qaybaha kala duwan ee Bulshada.[Masawiro]

March 24, 2014 - Written by Editor

IMG_2571Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa aqalka madaxtooyda Bosaaso ku qaabilay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bar, kuwaasi oo isugu jiray odayaal dhaqameed, aqoon yahan,dhalin yaro iyo haween.

Dadkii kulanka ka qayb galay ayaa siyaabo kala duwan u tilmaamay xaaladda gobolka iyo baahiyha taagan ee u baahan in waxqabad loo midaysan yahay laga sameeyo, iyagoo si adag Dowladda uga codsaday inay ka dhabayso isbedelkii ay ballan qaaday.

Madaxweynaha ayaa bulshadii uu la kulmay kala hadlay inay dadaal dheeraad ah ku bixiyaan siddii nabad galyada loo adkayn lahaa, wuxuu kale oo ku adkeeyey inay Dowladda taageeraan si horumar loo gaaro. Wuxuu kale oo u tilmaamay in ay cashuurta bixiyaan si loogu tallaabsado is bedelkii uu ballan qaaday waqtigii uu musharaxa ahaa, isagoo sheegay in is bedelkaasi uu ku imaan karo is kaashi iyo wada jir dhamaystiran.

no images were found

Kulankaan ka dib waxaa madaxweynuhu uu kormeer shaqo ku tagay Dekedda weyn ee magaalada Bosaso,xafiisyada wasaaradaha dekedaha, maaliyadda iyo kalluumaysiga, wuxuu sidoo kale tagay Airport-ka magaalada Bosaaso, wuxuuna dhamaantood ka dhagaystay warbixino ku saabsan qaabka ay u shaqeeyaan iyo waxqabadka ay sameeyaan.

Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo
Hiddah Iyo Dhaqanka

Ee Madaxtooyada Puntland.
-DHAMAAD-

Dhamaad

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online