Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Hay’adda UNOPS.[Masawiro]

March 18, 2014 - Written by Editor

5Garoowe, March 2014  Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socday Hay’adda Mashaariicda u qaabilsan Qaramada midoobey (UNOPS) oo mashaariic horu marineed ka wada Puntland.

Saraakiishan uu Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu la kulmay oo u kala dhashay wadamo ka mid ah Qaaraddaha Yurub iyo Africa ayaa kala ahaa Patrick Fruchet ,Saverio Bertolino,Trevor Swary, Dr. Renato, waxayna madaxweynaha kala hadlayeen sidii loo dar-dar galin lahaa mashaariic ay hay’addaasi hore uga wadeen iyo kuwo kale oo la sugayo fulintooda in hadda la dhaqaajiyo.

Dhinac Dowladda Puntland ayaa kulankaasi waxaa ka qayb galay Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid, Agaasimaha Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Amiin Xaaji Khayr, iyo saraakiil  ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Kulanka ayaa  intii uu socday waxaa si qotta dheer looga wada hdlay mashaariic hal door weyn u leh dawlada Puntland, kuwaasi oo qayb ka mid ah waqti hore la bilaabay hase yeeshee sugaya oo kaliya in la dhamaystiro, iyo mashruucyo kale oo dhowaan la bilaabi doono.

no images were found

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyo masuuliyiinta ka socday hay’adda  UNOPS ayaa waxyaabihii ay isla qaateen waxaa ka mid ahaa

1.     Dhamaystirka Howlaha Tv-ga Iyo Idaacadda Dowladda

2.     Fulinta Mashruuca Dib U Dhiska Wadada Isku Xirta Caasimadda Garowe Iyo Garoonkeeda Diyaaradaha.

3.     Dhismaha Hospitalka Degmda Eyl

4.     Qoditaanka Ceel Biyood Uu Yeesho Hospitalka Garowe Iyo Fulinta Taageero Kale Oo Dhanka Caafimadka Oo Hospitalka Loo Sameeyo.

5.     Dhamaystirka Mashruuca Dhismaha Airport-ka Bosaso Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi-weli iyo masuuliyiinta ka socday hay’adda  UNOPS waxaa ay sidoo kale ay  isku afgarteen in mashaariicdan lagu dhameeyo mudo kooban, isla markaana ay dowladda Puntland si gaar ah ula socon doonto dhamaan mashaariicdan mudada ay fulayaan.

Dhaqaalaha ku bixi doona mashaariicdaas ayaa Dowladdu sheegtay inay isha ku hayn doonto ,  isla markaana aysan jiri doonin cid si gaar ah u isticmaali karta dhaqaalahaasi, balse laga dhabaynayo in dhaqaalahasi uu ku koobnaado fulinta mashaariicdan oo wax tar u leh bulshada Puntland.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Gaas waxa uu masuuliyiinta Hay’adda UNOPS u caddeeyey in Dowladda Iyo Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin inay ka faa’idaystaan taageerada caalamiga ah ee beesha caalamka iyo hay’adah deeqaha bixiyaba siinayaan Puntlnd.

Hay’adda UNOPS ayaa dhankeeda ballan qaaday hir galinta iyo dhamaystirka mashaariicda ay Madaxeynaha isku afgarteen kuwaasi oo lagu qaban doono mudo aan badnayn.

Waxay sidoo kale Hay’addu sheegtay inay markasta garab taagan tahay Dowladda Puntland ayna kala qayb gali doonto sidii taageero looga siin lahaa arrimaha bulshada iyo wixii kale oo dheeraad ah. Xafiiska W/faafinta,Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Ee Madaxtooyada Puntland.

-DHAMAAD-

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online