Madaxweynaha Puntland oo Waraysi Gaar Ah Siiyay Tv-ga Citizen ee Dalka Kenya (Masawiro)

March 16, 2014 - Written by Editor

IMG_6321Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay suufiyiin caalami ah oo ka tirsan television-ka Citizen Tv oo ka mid ah warbahinta dalka kenya, waxayna Madaxweynaha waydiyeen su’aalo kala duwan oo dhamantood khuseeya Puntland iyo qaabka ay u dhisan tahay.

Waxyaalaha ay sida gaarka ah uga waraysteen madaxweynaha waxaa ugu muhiimsanaa Puntland iyo arrimaha federalizamka, khayraadka ay Puntland leedahay, xiriirka kala dhexeeya dalalka deriska iyo rrimo kale oo muhiim ah.

Khayradka dabiiciga ah ee Puntland ay leedahay oo madaxweynaha su’aalo kala duwan laga waydiiyay wuxuu kaga jawaabay , in dhulka baaxadda leh ee Puntland uu yahay dhul qaali ah oo ay ku jiraan khayrad muhiim ah  bad iyo berriba, wuxuuna tilmaamay in Shacabka iyo Dowladda Puntland ay diyaar garow xoog leh ugu jiraan ka faa’iidaysiga khayraadka dalkooda ku jira.

” Dowladda aan hogaamiyo waxa ay dadaal dheer u galaysaa inay waxqabad muuqda u samayso shacabka Puntland, waxaanu isku dayi doonaa in shacabka lagu dhiiri galiyo inay dhulkooda beertaan kaluunka badda ku jirana kala soo baxaan dowladuna way ku taageeri doontaa wixii awoodeeda ah, waana tallaabooyinka bulsho kastaba ay horu mar ku gaari karto” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Arrimaha Federaalka oo madaxweyne Gaas wax laga waydiiyay ayaa waxa uu sheegay in dalku uu ka baxay Ku meel gaar, isla markaana uu u gudbay Dowlad rasmi ah dastuurka shacabku ku heshiiyeena uu qeexayo nidaam ku dhisan federaal loona bahan yahay in laga dhabeeyo oo lasii anba qaado.

“Dalku waa waa dal rasmi ah oo ka baxay ku meel gaar, wuxuuna ku dhisan yahay dastuur si cad u qeexaya hir galinta fedelaarka waana loo baahan yahay in nidaamkaas lasii anba qaado oo laga dhabeeyo” ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay safaradiisii ugu danbeeyey ee uu ku tagay dalalka deriska ah iyo xiriirka kala dhexeeya meesha uu gaarsiisan yahay, wuxuuna Madaxweyne Gaas tilmaamay in safaradaasi ay ahaayeen safaro ay dowladdiisu ku xoojinayso xiriirka derisnimo iyo walaalnimo  ee dalalkaasi ay la leeyihiin, isagoo sheegay inay kor usii qaadi doonan.

no images were found

Mar uu soo hadal qaaday madaxda dalka Kenya waxa uu sheegay inay leeyihiin xiriir qota dheer kaasi oo qayb ka ah xiriirka kala dhexeeya dalalka deriska ah oo dhan, isla markaana ay si wanaagsan isu yaqaanaan masuuliyiinta dalkaasi.

“Socdaaladii aan ku tagay dalalka deriska ah waxay ahaayeen kuwo salka ku haya is barasho iyo sidii loo adkayn lahaa xiriirka noo dhexeeya, Puntland dhankeedana aad ayaan ugu dadaalaynaa inaan xoojino oo adkayno xiriirkaasi, masuuliyiinta dalka Kenya si wanaagsan ayaan isu naqaanaa xiriir wada shaqayneed ayaana naga dhexeeya” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Waraysigan uu Madaxweyne Gaas siiyay Tv-ga Citizen oo ka shaqeeya dalka Kenya waxa uu noqday kii ugu horeeyey ee madaxweynuhu siiyo warbaahin ka baxsan dalka , isagoo jawaabo muhiim ah ka bixiyy dhaman su’aalihii la waydiiyay.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyda Puntland

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online