Madaxweynaha Puntland Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Mas’uuliyiin Ka Socday Shirkad Chain’s Ah (Masawiro)

March 30, 2014 - Written by Editor

6Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday shirkad laga leeyahay dalka Chaina shirkadaas oo lagu magcaabo Chaina Civil Engineering Construction Corporation oo loo soo gaabiyo CCECC, shirkddasi oo hore Madaxweynuhu ugula soo kulmay magaalada Djibouti ee caasimadda dalka Djibouti kadib safarkii uu dhowaan dalkaasi ku tagay.

Wafdiga Chain’s-ka ah ee ka socday CCECC waxaa hogaaminyay RUI Chen iyo Allen Lee oo ah kaaliyaha madaxweynaha shirkaddaasi CCECC.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta shirkadda CCECC waxaa ay ka wada hadleen qaabkii loo horu marin lahaa wax ka qabashada dhinaca wadooyinka, dekedaha ,garoomada diyaaradaha,biyo xidheenada iyo wax soo saarka macaadinta.

no images were found

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa dhankiisa soo dhoweeyey masuuliyiinta Chain’s-ka ah ee ka socday shirkadda CCECC , tilmaamayna in Dowladda Puntland ay garab kusiinayso tallaabo kasta oo shacabka reer Puntland wax loogu qabanayo.

Halka dhinaca shirkadda CCECC ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay fuliyaan mashaariic wax tar u leh dalka iyo dadka reer Puntland, isla markaana ay danaynayaan inay maalgashi ku sameeyaan Puntland.

Kulankaasoo qaatay mudo saacado ah ayaa wuxuu kusoo gaba gaboobay jawi wanaagsan iyo is afgarad , iyadoo kulanka ka dibna uu Madaxweyne Gaas qado shraf u sameeyey masuuliyiintaasi ka socday Shirkadda CCECC.

-DHAMAAD-


Xafiiska Warfafinta,Wacyi-gelinta Iyo Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntnland.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online