Madaxweyne DFS oo ka dalbaday Japan inay ka caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka
March 13, 2014 - Written by EditorJapan,Maarso-13-2014-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqday xarunta Aqalka Sare ee Baarlmaanka Dalka Japan isla-markaana kulan la-qaatay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dalka Japan Mr Masaaki Yamasaki iyo ku xigeenkiisa Mr Azuma Koshishu.
Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalkan Japan ayaa ku ammaanay Dowladda Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii Sanno ee la soo dhaafay islamarkaana ballan qaaday in Dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda Aqalka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya kana dalbaday inay caawiyaan Baarlmaanlka Soomaaliya “ Baarlmaanka Soomaaliya howlo xoog leh oo dar-darteeda leh ayuu ku tallaabsada. waxaannu ka codsanay, Baarlmaanka Japan inay naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee Baarlamaanka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud.
no images were found
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdiga la socday oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo Wasiiradda Howlaha Guu iyo Dib-udhiska Nadiifa Maxamed Cusmaan ayaa soo indho-indheeyey howlka shirarka ee Aqalka Sare ee Baarlmaanka dalka Japan.
For more information please contact:
Shador Haji Mohamud
Press Officer
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
E 1: shadorhaji@presidency.gov.so
E 2: shadoor150@gmail.com
Facebook https://www.facebook.com/Shadorhaji