Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole oo gaaray magaalada Addis ababa (Masawiro)
March 21, 2014 - Written by EditorAddis ababa :-Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa maanta waxaan uu gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka itoobiya waxaana uu kulan la qaatay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mr.Tedros Adhanom.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mr.Tedros Adhanom iyo Madaxwaynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole ayaa waxaa ay ka wada hadleen arimaha Soomaaliya iyo Puntland waxaana uu Mr.Faroole u mahad celiyey dowlada itoobiya sida ay garab taagan tahay Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Mr.Tedros Adhanom ayaa sidoo kale guul ku tilmaamay doorashadii Puntland isaga oo guul ku tilmaamay qaabkiii uu xilka uwareejiyey Madaxweyne Faroole.
Ilaa haatan si rasmi ah looma oga sababa socdaalka uu ku tagay Madaxweyne Farooole waxaana socdaalkiisa ku weheliyey wasiirkii hore ee Amniga Col.Amniga Khaliif Ciise ,wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyadda Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan iyo xubno kale.
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net