Mu,asasada Al-Minhaaj iyo ururka Sadar oo tababar u qabtay Ardayda dugsiyada sare ee Boosaaso.[Masawiro]
March 21, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Ururka Sadar oo kaashanaya Mu’sasadda Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta ayaa waxay soo qaban qaabiyeen kulan cilmiyeed loo qabtay Ardayda dugsiyada sare iyo Macaahidda ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Kulan cilmiyeedkaan ardayda loo qabtay ayaa waxa ay kakala socdeen dugsiyada kala ah:–
1- Dugsiga sare ee Imaamu Shaafici
2- Dugsiga sare ee Najax
3- Dugsiga sare ee Minaaratul baydaa
4- Dugsiga sare ee Bandar Qaasim
5- Dugsiga sare ee Xamdaan
6- Dugsiga sare ee Bosaso Public
7- Dugsiga sare ee ugaas yaasiin
8- Machadka Ibnu-Xajar Al-Casqalaani
9- Machadka Ibnul-Qayim Al-Jawziyah
Uruka Sadar oo magaciisa lagu soo gaabiyay (Somali Association for Development and Regional Studies) ayaa ah urur ka shaqeeya hormarinta iyo wacyi galinta bulshad soomaaliyeed, lehna laamo kala duwan oo ka kooban bulshada qaybeheeda kala duwan. Tababarkaan loo qabtay ardayda ayaa waxay ay ku qaateen casharo kala duwan oo ku saabsan hoggaanka wanaagsan, astaamaha guusha iyo habka ururradu u shaqeeyaan iyo sida loola shaqeeyo.
Ardaydii ka qayb gashay tababarkaan ayaa soo dhaweeyay tababarkaan, codsadayna in la joogteeyo tababarada noocaan oo kale ah si bulshada aqoontooda kor loogu qaado, sidoo kale ardaydu waxa ay mahad celin balaaran ujeediyeen mu,asasada Al-Minhaaj iyo ururka sadar oo iska kaashaday siduu tababarkaan u her gali lahaa.
no images were found
Gabagabadii tababarkaan ayay ardaydu soo bandhigeen hal abuuro kala duwan, sida gabay, buraanbur iwm. Isku soo wada duuduuboo tababarkaan ayaa waxa uu kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan.
Mu,asasada Al-Minhaaj
Boosaso,Somalia