Mu,asasada Al-Minhaaj iyo ururka Sadar oo tababar u qabtay Ardayda dugsiyada sare ee Boosaaso.[Masawiro]

March 21, 2014 - Written by Editor

IMG_1929Boosaaso:-Ururka Sadar oo kaashanaya Mu’sasadda Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta ayaa waxay soo qaban qaabiyeen kulan cilmiyeed loo qabtay Ardayda dugsiyada sare iyo Macaahidda  ee magaalada Boosaaso ee xarunta  gobolka Bari.

Kulan cilmiyeedkaan ardayda loo qabtay ayaa waxa ay kakala socdeen dugsiyada kala ah:

1-      Dugsiga sare ee Imaamu Shaafici
2-      Dugsiga sare ee Najax
3-      Dugsiga sare ee Minaaratul baydaa
4-      Dugsiga sare ee Bandar Qaasim
5-      Dugsiga sare ee Xamdaan
6-      Dugsiga sare ee Bosaso Public
7-      Dugsiga sare ee ugaas yaasiin
8-      Machadka Ibnu-Xajar Al-Casqalaani
9-      Machadka Ibnul-Qayim Al-Jawziyah

Uruka Sadar oo magaciisa lagu soo  gaabiyay (Somali Association for Development and Regional Studies) ayaa ah urur ka shaqeeya  hormarinta iyo wacyi galinta bulshad soomaaliyeed, lehna laamo  kala duwan oo ka kooban bulshada qaybeheeda kala duwan. Tababarkaan loo qabtay ardayda  ayaa waxay ay ku qaateen casharo kala duwan oo ku saabsan hoggaanka wanaagsan, astaamaha guusha iyo habka ururradu u shaqeeyaan iyo sida loola shaqeeyo.

Ardaydii ka qayb gashay tababarkaan ayaa soo dhaweeyay tababarkaan, codsadayna in la joogteeyo tababarada noocaan oo kale ah si bulshada aqoontooda kor loogu qaado, sidoo kale ardaydu waxa ay mahad celin balaaran ujeediyeen mu,asasada Al-Minhaaj iyo ururka sadar oo iska kaashaday siduu tababarkaan u her gali lahaa.

no images were found

Gabagabadii tababarkaan ayay ardaydu soo bandhigeen hal abuuro kala duwan, sida gabay, buraanbur iwm. Isku soo wada duuduuboo tababarkaan ayaa waxa uu kusoo idlaaday jawi aad u qurux badan.

 Mu,asasada Al-Minhaaj
Boosaso,Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online