Musuqmaasuqu waa cudur na ragaadiyey? W/Q Abdulkadir Dalmar

March 10, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Musuqmaasuqa iyo Tuuganimadu waa dhacdo soo jirijirtay taariikhda aadanaha, marna kama marna xilli walba oo xilliyada kamid ah ama umad kasta waa laga helin faasidiin iyo kuwo xoolaha dadka dhaca. Musuqmaasuqu waa waxa ragaadiyey dowladaha muslimiinta ee jira maanta iyo kuwa dunida sadexaad, waana calaamad lagu garto xukunka meeshaas ka jira in uu yahay xukun kaligii-talisnimo ku salaysan iyo in kale. Siyaabo badan ayaa loola dagaalami karaa sida dhaqaalaxumada oo wax laga qabto, maamulka oo lahagaajio iyo sharciga oo laraaco lana adkeeyo markaas waa layareynkara hadii la dadaalo lana qaato qodoban aan hoos ku soo qoridoono:

Waa maxay Musuqmaasuqu?

Waxaa lagu qeexaa macaani badan oo ay ka mid tahay “u isticmaalid xukunka iyo awooda masuuliyadeed ee aad haysid si  gaar ahaaneed” “The misuse of public office for private gain” tusaale ahaan hantida dowlada oo aad qaadatid guryan aad ka dhisatid. iwm.

Muslimiinta oo ahaa mar kuwa caalamka hoggaamiya in ay ka mid noqdaan kuwa ugu liita dhan walbaba gaar ahaan heerka nolasha ay ku noolyihiin, waxaana u sabab ah boobka hantida guud, musqmaasuqa baahay iyo xatooyada baahsan, waxa ay diintooda wanaagsani ay baraysaa in aan dhulka lafasahaadin dadka xoolahoodana la dhicin.

Maxay tahay sababta keenta Musqmaasuqa?

Sababo badan ayaa lasheegaa ku waas oo ku kala duwan hadba goobta iyo dhaqanka dadkaas ay leeyihiin waxaase jira sababo guud oo laga mideysanhahay:

  1. Iimaanka qofka oo daciifa, qofku haduusan Alle ka cabsan oo uusan xasuusan maalinta lahortagayo Alle  oo uusan xasuusan janno iyo naar u aabba yeelimayo waxuu qaadanayo iyo waxuu ka tagayo. Ilaa heer uu gaaro sida masuuliyiinta Soomaalidu gaareen in lagu amaano ama lagu qaddariyo hadba xoolaha uu haysto  iyo hantida ummadda uu ka boobay.
  2. Hawadiisa iyo Akhlaaqda xun oo uu raaco ayaa ka mid ah wax yaalaha keena xatooyada xoolaha dadweynaha, hadduu beenlow yahay, munaafiq yahay, laaluush cune yahay, eexaysi yaqaan (Nepotism & Favouritism), istustus badan yahay way adagtahay in uu xoola dhaca joojiyo Allena quranka waxu ku yiri” kawarama mid hawadiisa ilaah ka dhigtay, Allena uu dhumiyey isagoo cilmi leh, uu daboolay maqalkiisa, qalbigiisa iyo indhihiisa keebaa hanuunin kara Alle ka gadaal war maweydaan waantoobeynin” suratul jathiya.
  3. Hadii lawaayo Wanaagga oo la is faro iyo Xumaanta oo la iska reebo .

Arrinkan isaga ah waa waxyaalaha looga hortagi karo khatarta fasahaadku leeyahay,       hadii lawaayo, boobka iyo dhaca hantida dowladda  waa siibaahayaa,

  1. Masuulka ugu weyn dowladda oo xukunka ku kaliyeysta (dictator )

Mar hadduu kursiga uu rabo in uu haysto waxaa shaki ku jirin in uu maamulku fasahadayo. Waxaa layiraahdaa haddii aad aragtid kaligiitaliye “dictator” waxaad ogaata dadka uu xukumo in ay danbeeyaan aqoon iyo dhaqaale intaba.

  1. Dadka oo dareema in xukunka lagu fuliyo qofk daaciifka ah, qaanuunkuna uusan qaban masuuliyiinta qaranka( caddaaladda oo xumaata).
  2. Haykalka iyo hayadaha wadanka oo liita xaga madaxbannaanida (madaxkanool).
  3. Kalasareynta xad dhaafka ah ee mushahaaraadka, haddii shaqaalaha qaar kamid ah la naas nuujiyo inta kale way caroon waxna way musuqmaasuqin.
  4. Laxisaabtan la’aanta hayadaha dowladda.
  5. Hayadaha Qaanuunka iyo qudaada oo shaqadooda aan ka soobixin.

Sida looga hortagi karo

Haddii uu jiro dareen diimeed, waddaninimo, hufnaan, aqoon iyo barbaarin wanaagsani waxay qofka ka hor istaageysaa wax kasta oo xun oo musuqmaasuqu kamid yahay, waxaa loobaahanyahay baaritaanno xeeldheer oo lagu joojiyo musuqmaasuqa (corruption) iyadoo   tallaabo-tallaabo loo fulinayo howshaas ee aan halmar lagu soo boodin, si kooban waxaa muhiim ah arrimahan soo socda:

  1. Hoggaanka sare in uu san ganacsi ka shaqeysan karin intuu xukunka hayo.
  2. Madaxda sare iyo kuwa hoose in ay wadashaqeyn leeyihiin iyo xiriir joogta ah.
  3. Madaxdu in aysan hadiyadaha iyo waxa loo hibeeyo qaranka aysan qaadan.
  4. Hantidhowre iyo culumo wacdida ka waanisa musuqmaasuqa iwm.
  5. Caddaalada oo lagu dadaalo
  6. Ciqaabta qofka tuuga ah ama hantida dhunsada oo lagu adkeeyo.

Gabagabo

Waxaa muhiim ah in masuuliyiintu dadaal muujiyaan lagana hortago kharashaadka ku baxa siyaabaha aan loo baahneyn, (the lavish expenditure) sida isticmaalka gaadiidka, shidaalka iyo casumaadaha aan micnaha ku dhisnayn, iwm. Qodobadaas iyo in kale oo aanan ku soo koobikarin halkaan ayaa ah sida lagu joojin karo musuqmaasuqa waa haddii lahelo hogaamiye daacad ah oo soo jeeda had iyo goor rabana in uu ummadiisa  uga tago taariikh lagu xasuusto dunida, aakhirana rajeynaya abaalmarinta Eebbe subxaanahu watacaalaa.

Sh. Abdulkadir Dalmar Abdirahman

MA (Islamic Banking, Finance & Management)

akdalmar@hotmail.com     08/03/14

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online