Muungaab oo kulan laqaatay Guddoomiye yaasha dagmooyinka Gobolka Banaadir.

March 9, 2014 - Written by Editor

DSCF9084Muqdisho:-Kulan maanta dhexmaray dhamaan 16-ka dagmo ee gobolka Banaadir ayaa waxaa shir guddoominayay Duqa magaalada Mqudisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, waxaana shirkaasi uu ka dhacay xafiiskiisa.

Ajandaha kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo dardaaran ahaa ayaa waxaa ugu horeyn daahduray guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo arrimaha bulshada, wuxuuna sheegay in kulankaani uu yahay mid ku saleysan isbarashada Duqa magaalada Muqdisho ee cusub iyo dhamaan guddoomiye yaasha dagmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna intaas kadib ku soo dhaweeyay mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab xafiiskiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn uga mahadcelshay dhaaman Guddoomiye yaasha 16-ka dagmo ee maamulka Gobolka Banaadir howsha adag oo ay shacabka u hayaan, wuxuna ka dalbaday iney sii laba jibaaraan howshooda, isagoo markale meesha ka saaray hadalo been abuur ah oo larabo in qalqal lagu galsho hanaanka maamul wanaaga gobolka Banaadir ee ah in la badali doono shalqaaha gobolka iyo dagmooyinka.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab Duqa magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa caddeeyay in maamulka gobolka ee uu hormuudka ka yahay aysan u qorsheysneyn haba yaraate iney badalaan shaqaalaha hada shaqeynaya ee horay ujoogay gobolka Banaadir ama dagmooyinka, marka laga reebo cidii shaqada loo igmada ka soo dhalaali weysa.

no images were found

Sidoo kale mudane Muungaab waxa uu maamulada dagmooyinka ka codsaday iney amniga dagmadooda adkeeyaan, islamarkaana uu gaar gaar iyo guud ahaanba ula kulmi doono dhamaan guddoomiye yaasha dagmooyinka gobolka Banaadir.

Dhanka kale waxaa daradar cusub la galiyay howlihii bixinta iyo qaadashada Kaararka muwaadinimada, iyadoona lagu soo kordhiyay adeegyo cusub iyo xafiis cabashada dadweynaha ah kaasoo la rajeynayo in baahida iyo cabashada dadweynaha uu wax weyn ka qaban doono.

Waxaana sidaa safaafadda usheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Yuusuf Cismaan oo saxaafadda la hadlay kulankaasi kadib.

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online