Nikolas Kay oo qoraal ka soo saaray shirka magaalaa Baydhabo

March 3, 2014 - Written by Editor

NicklosMuqdisho, 3 Maarso, 2014 Ergaygga-gaarka ah ee xoghayah-guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa si hoose ula socda arrimaha ka dhacaya Baydhabo aarimahaas oo ay ku jiraan natiijada maanta ka soo baxday Shirka Baydhabo. Sidoo kalena waxaan arkay jawaabta ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee ku aadan shirkaas.

“Waxaan oogu baaqayaa dhamaan dhinacyadda ay arrinta khusayso in ay si wayn taxadir ooga muujiyaan ficil kasta oo wax u dhimi kara Nabadda “ ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah Kay.

“ Sanaddan, waxaa aad muhiim u ah siddii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah uuna ka hirgaly Nidaamka Federaalka. Dalka waxaa uu xal u helay caqabaddo faraban oo dhowaan dhacay asaga oo adeegsanaya habka wada hadalka iyo isu tanaasulka ku dhisan.”

“ Waxaan ku dhiiri gelinayaa oday dhaqmeedyadda, Siyaasiyiinta, iyo dhammaan dadka ay arrinta khusayso in ay
si dhab ah u wadaan habka wada hadalka siyaasadeed ku dhisan ee loo wada dhan yahay kuna qotoma xurmeeynta Dastuurka ku-meelgaarka, iyo Heshiisyadda jiraba.” Ayuu ku daray Ergaygga gaarka ah. “ Qaramadda Middobay waxay sii wadi doontaa taageeridda ay u hayso dadaaladda ay sii waddo Dowladda Federaalaka ah ee Soomaaliyeed kuna aadan dib uheshiisiinta”.

“ Xaaladda ka jirta Bayshabo waxay aad u ifisay baahidda deg-dega ah ee loo qabo in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay dedejiso shaqadeedda ku aadan habka dhowlad-dhisidda Soomaaliya, waana in uu noqdaa hab loo wadda dhan yahay, oo ay ku jirto in la dhigo qorsho howleed tafa-tiran, hadana wakhtiyaysan, kuna aadan samaynta Dowlad Goboleedyadda, dhamaystirka Dastuurka, Sidoo kale Dimoqoraadiyeynta dalka marka la gaaro sanadda 2016” ayuu yir Ergaygga Gaarka ah.

Ergaygga Gaarka ah waxa uu sii wadi doonaa arrimahan muhiimka ah asaga oo la kaashan doona saxiibadda Caalamka ama Jaalayaasha caalamka sida AMISOM, IGAD, iyo EU da.

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayah Guud ee
Qaramadda Middoobay u Qaabilsan Soomaaliya
Nikolas Kay

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online