Puntland oo xukun ku riday eedeysanayaal ka tirsan Al-shabaab.[Dhagayso]

March 17, 2014 - Written by Editor

puntlandGaroowe:-Maxkamadda ciidanka qalabka sidda ee dowladda Puntland gaar ahaan Gobalka Nugaal ayaa maanta 17.March.2014 waxaa ay xukun ku riday dhalinyaro ay ku eedeeyeen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ka dib markii ay ciidanka amniga ee Puntland howl galo ay ka sameeyeen meel ka duwan oo ka tirsan Puntland ay ku soo qabteen dhalinyaradaan.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka Puntland ee Gobalka Nugaal Cabdikariin Firdhiye oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ilaa 8 dhalinyaro ah oo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab lagu riday min 20 sano oo xarig ah. Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidamada qalabka Puntland C/Kariin Xasan Firdhiye ayaa warbaahinta u waxaa uu akhriyey eedeysa nayasha ay maanta xukunka ku rideen oo uu sheegay in ay hayaan cadaymo muujinaya in ay yihiin xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Magacyadda Eedeysanayaasha ay saaka Maxkamadu ku riday xukuntay:-

1. Cabdi Fitaax Dhuux Cali

2. Aadan Xuseen Axmed

3. Maxamed Cali Cabdi

4. Shirre Sheikh Muuse

5. Nuur Xassan Mursal

6. Xuseen C/laahi Maxamuud

7. Axmed Maxamuud Muuse

8. Mukhtaar Xuseen Muumin

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka Puntland ee Gobalka Nugaal Cabdikariin Firdhiye oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Radio Daljir ayaa sheegay in eedyesanayaasha markii keenay Maxkamada ay lahaayeen qareemo u dooda sidda sharciga waafaqsan balse ciidanka nabadsugida iyo Booliska Puntland ay keeneen cadaymo iyo qiraal ay sameeyeen eedeysa nayaasha qaarkood.

Hoos ka Dhagayso Waraysiga Radio Daljir la yeeshay Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidanka Puntland Cabdikariin Firdhiye.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/alqc30hjxn/Firdhiye.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online