Qarax ka dhacay xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

March 30, 2014 - Written by Editor

isliNairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii oo ay degan yihiin Soomaalida ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay.Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Nin loo maleynayo inuu farsameynayay walxaha qarxa waxaana marka uu qaraxu dhacay goobta ka baxsaday ilaa 3 qof  oo kale .

Sarkaal ka tirsan booliska Nairobi oo lagu magacaabo Barasa Wabomba ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ninka ku dhintay qaraxa uu ahaa ninkii farsameynayey walxaha qarxa wuxuuna sheegay in ay baaritaano wadaan.

Ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi ayaa soo gaaray xaafada Eastleigh iyaga oo baaritaano ka bilaabay.Barasa Wabomba  oo ah sarkaal ka tirsan Booliska Nairobi aya sheegay qofka qaraxa ku dhintay in uusan ahayn Soomaali balse ay wili socdaan baaritaano.

Soomaalida ku dhaqan xaafada Islii ayaa waxaa soo wajahaday cabsi ka dib markii ciidamo badan lagu soo daadiyey xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online