Qarax miino oo lala eegtay Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS oo ka dhacay Muqdisho

March 2, 2014 - Written by Editor

Qarax-miinoMuqdisho:-Waxaa maanta qarax miino ah lala eegtay gaaari ay saarnaayeen ciidanka  Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo marayey Xaafadda Carafaat oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid. Dad goob joogayaal ah oo u waramay saxaafadda ayaa u sheegay in ay arkeen gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lala eegtaty qarax miinada dhulka lagu aaso ka dibna lagu tuuray bamka laga tuuro gacanta.

Goob joogaha ayaa yiri. ”Waxaan arkayey gaariga Cabdi Bile ah oo miino lagu qarxiyey ka dibna bambo lagu tuuray waxaan ku dhintay ilaa 2 askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku dhaawacmay askar kale ” Ciidanka DFS ee qarax lagu weeraray ayaa waxaa ay fureen rasaas fara badan waxaan ka dhashay khasaaro kale duwan oo soo gaaray dadka shacabka ah oo ka dhawaan goobta qaraxu ka dhacay.

Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyadiin Xassan oo la hadlay saxaafadda ayaa ku eedeeyey in qarax lala eegtay ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka danbeeyaan ururka Al-shabaab walow uu ka gaabsaay khasaaraha soo gaaray ciidanka dowladda.

Dhinac kale gaari ay saarnaayeen Ciidanka AMISOM oo marayey Isgoyska Ex-Kontarool Balcad oo ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa lala eegtay qarax miinada dhulka lagu aaso waxaan soo gaaray khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidanka AMISOM ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa ay ka yimaadeen Xerada Maslax iyagoo halkaas ku leh Saldhig ciidan.

Ilaa hadda ma jiro cid sheegatay labad weerar ee lala eegtay ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ,Saraakiisha ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa in badan ka sheega saxaafadda in ay wax ka qaban doonaa amniga magaalada Muqisho.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online