R.W.oo kulan casho ah la yeeshay madaxda ganacsatada Soomaaliyeed ee Abu Dhabi

March 4, 2014 - Written by Editor

IMG_8490Abu Dhabi:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa galabta la kulmay madaxda ugu sareysa ganacsatada Soomaaliyeed ee Imaaraadka Carabta.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale kala qeybgalay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wasiirka Isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta iyo Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Dubai, waxaana kulankan ujeedadiisu aheyd sidii Ra’iisul Wasaaruhu u dhegeysan lahaa talada iyo aragtida ganacsatada Soomaaliyeed

Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay ganacsade Shariif Axmed oo ah guddoomiyaha ganacsatada Imaaraadka Carabta, wuxuuna xusay isaga oo ku hadlaya magaca ganacsatada Soomaaliyeed inuu soo dhoweynayo casuumaada cashada ah ee Ra’iisul Wasaaruhu u fidiyay, wuxuuna dhanka kale xusay in ganacsatada Imaaraadku ay yihiin ganacsato mar kastaba taageerta dawladda isla markaana ka qeyb qaata wixii taakulo ah oo dalka loo fidinayo

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn warbixin dheer ka siiyay ganacsatada xaaladdaha dalka, wuxuuna ku dhiirageliyay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, si ay u suurtagasho inay maalgashi ballaaran ku sameeyaan dalka, isaga oo dhanka kalena xusay in ganacsatada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay yihiin rajada dalka.

“Waxaa la idinka doonayaa inaad dowrkiina ka qaadataan dib u dhiska iyo xasillinta dalka, guushuna waa soo dhowdahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dawladda Soomaaliyeed ay diyaar u tahay inay dhiirageliso una fududeyso ganacsatada sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen

no images were found

Kulankan oo aad u dheeraa ayaa waxay ganacsatadu su’aalo toos ah weydiiyeen ganacsatadu Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiirada kale, waxayna aad u soo dhoweeyeen in kulamada noocan oo kale ah ay abuurayaan kalsooni badan oo la siiyo dawladda iyo hogaankeeda

Sidoo kale, qaar ka mid ah ganacsatada ayaa soo gudbiyay cabasho ku aadan helida Viisaha dalka Imaaraadka Carabta iyo deganaanshaha, taasoo wal wal badan ku abuurtay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan, maadaama ay waayeen xaquuq badan oo dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo ku noolaanshaha dalkan

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa u balan qaaday ganacsatada inuu u gudbin doono cabashooda madaxda dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, waxaana ugu dambeyntii la dhisay guddi ka kooban dawladda iyo ganacsatada Imaaraadka, si loo sii ambaqaado wada shaqeynta labada dhinac.

Garad Salad Hersi

Senior Press officer, OPM
Abu Dhabi, U.A.E
E-mail; media@opm.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online