Ra’iisul Wasaaraha DFS “Howlgaladu ma joogsanayaan inta laga xoreynayo Al-shabaab.[War-saxaafadeed]

March 9, 2014 - Written by Editor

img_8864Muqdisho, March 9, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa caawa kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM, isaga oo ugu hambalyeeyey guulaha ay ka soo hooyeen howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo kooxaha nabadiika looga sifeeyay degaanada kala ah Xudur, Waajid, Rab-dhuure, iyo Buur-dhuubo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Guddiga Wadajirka ee Xiriirinta Howlgalada (Joint Operations Coordination Center) ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka, waxaana halkaasi looga dhegeystay warbixino ku aadan howlgalada ka soconaya gobolada Bakool iyo Gedo kuwaasoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay kaga xoreynayaan kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu warbaahinta la hadlay, wuxuuna xusay inuu ugu hambalyeynayo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa garab siinaya ee AMISOM geesinimadii ay muujiyeen iyo sida ay caddowga uga fara maroojiyeen degaano ay ka mid yihiin Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in caddowgu sii daciifayo, ayna meesha ka baxday awoodoodii ciidan, midii dhaqaale iyo mid Niyadadeed ayna ku jiraan maalmahoodii ugu dambeeyey” ayuu yiri Ra’iisul  Wasaaraha oo tilmaamay in shacabka ku nool degaanada laga xoreeyey kooxahan nabadiidka inay soo dhoweeyaan ciidanka xooga iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM, lana shaqeeyaan.

“Sababta looga saarayo kooxahan nabadiidka degaanadan waxa weeye si looga dul qaado shacabka Soomaaliyeed caburinta joogtada ah, dilka, barakicinta iyo handadaada ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Xukuumada Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii gargaar bani’aadan-nimo loo gaarsiin lahaa degaanadaasi la xoreeyey, ayna sidoo kale u heli lahaayeen adeegyadii Aasaasiga ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.

no images were found

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu baaq u jeediyay dhalinyarada u dagaalanta kooxahan nabadiidka ah ee Shabaab ee la khalday, wuxuuna ka codsaday inay ka waantoobaan falalka lidiga ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, bulshadoodana ku soo laabtaan, isaga oo u balan qaaday in dawladdu ay ku dadaali doonto inay helaan waxbarasho iyo  farsamooyin ay ku dabaraan noloshooda.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online