Ra’iisul Wasaaraha DFS oo bulshada rayidka ka codsaday inay kala qeyb galaan isku soo dhoweynta bulshada.[Masawiro]

March 10, 2014 - Written by Editor

IMG_9040Muqdisho, March 10.2014——-Ra’iisul Wasaarhaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta ka qeybgalay munaasabada sanad-guurada 6-aad ee Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENCA), wuxuuna ka codsaday hay’addaha aan dawliga aheyn iyo ururada bulshada rayidku inay dawladda kala shaqeeyaan isku soo dhoweynta bulshada iyo horumarinta nabadda.

“Waan ku faraxsanahay inaan galabta ka soo qeybgalo munaasabadda sanad-guurada lixaad ee SOSCENCA” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka codsaday in si wada jir ah loogu guntado sidii loo samatabixin lahaa dalka, basle aan lagu eegan oo kaliya dawladda “Dawladda, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhoco caddowga ayaa naga guuleysanaya” ayuu mar kale yiri.

no images were found

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa u balan qaaday ka soo qeybgalayaashii munaasabadda in xukuumadu ay muhiimad siineyso shaqo abuurista iyo fursad siinta dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena ay adkeyn doonaan nidaamka Cadaalada iyo Garsoorka dalka si shacabku u helaan sinaan iyo cadaalad.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online