Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku goodiyey in ay qabsan doonaan Bu’aale, Buulo Burde, Jalalaqsi iyo Ceelbuur.
March 9, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu ku hanjabay inay Shabaab ka qabsan doonaan deegaanada ay haatan ka joogaan gobalada dalka wuxuuna sheegay in howlgalada ay wili socdaan
C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa khudbad kooban oo uu shalay ka jeediyey xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka City Plaza wuxuuna ku goodiyay in dhawaan Shabaab ay ka saari doonaan degmooyinka Bu’aale, Buulo Burde, Jalalaqsi iyo Ceelbuur.
Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab inay hortaagan yihiin nolosha Bini’aadamka isaga oo sheegay in Shabaab ay yihiin cadoow Soomaaliyeed loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto
Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku booriyey haweenka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaateen horumarka dalka iyo amnigiisa
Ciidamada DFS oo taageero ka helaysa ciidanka AMISOM ayaa deegaano dhowr ah ka qabsaday Al-Shabaab gaar ahaan deegaanada ka tirsan Gobalada Baay Bakool iyo Gedo.
Cabdi Yare
Halgan.net