Ra’iisul Wasaaraha DFS oo ku goodiyey in ay qabsan doonaan Bu’aale, Buulo Burde, Jalalaqsi iyo Ceelbuur.

March 9, 2014 - Written by Editor

IMG_1757Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu ku hanjabay inay Shabaab ka qabsan doonaan deegaanada ay haatan ka joogaan gobalada dalka wuxuuna sheegay in howlgalada ay wili socdaan

C/wali Sheekh Axmed Maxamed Ra’iisul Wasaaraha DFS  ayaa khudbad kooban oo uu shalay ka jeediyey xaflad lagu qabtay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hoteelka City Plaza  wuxuuna ku goodiyay in dhawaan Shabaab ay ka saari doonaan degmooyinka  Bu’aale, Buulo Burde, Jalalaqsi iyo Ceelbuur.

Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab  inay hortaagan yihiin nolosha Bini’aadamka isaga oo sheegay in Shabaab ay yihiin cadoow Soomaaliyeed loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto

Ra’iisul Wasaaraha DFS C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku booriyey haweenka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaateen horumarka dalka iyo amnigiisa

Ciidamada DFS  oo taageero ka helaysa ciidanka AMISOM ayaa deegaano dhowr ah ka qabsaday Al-Shabaab gaar ahaan deegaanada ka tirsan  Gobalada Baay Bakool iyo Gedo.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online