Ra’iisul Wasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh oo soo dhaweeyey warmurtiyeed ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD

March 13, 2014 - Written by Editor

IMG_2410Addis Ababa:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh.Axmed oo ka qaybgalay Shirweynaha 25aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxweynayaasha Urur Goboleedka IGAD ee maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhoweeyay taageerada loo fidiyay dalka Soomaaliya iyo heshiiska Koonfurta Suudaan, waxaana uu ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadda , looguna gurmado dalkaasi oo cunno-yari ay soo wajahday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii kulankan uu socday usoo bandhigay Madaxdweynayaasha Urur Goboleedka IGAD xaaladda Soomaaliya iyo dadaalka ay Xukuumaddiisu ugu jirto soo celinta xasiloonida dalka. Waxaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay howlgaladda ay ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ku xoreeyeen magaalooyinka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay in gabi ahaanba lasoo afjaro dhamaan goobaha ay kooxaha Nabad-diidku kaga sugan yihiin gobolada Soomaaliya.

“Urur Goboleedka IGAD waxaa uu kaalin muuqata ka ciyaaray wadaxaajoodka iyo talaabooyinka lagu doonayo in lagusoo afjaro colaada ka taagan gobolka, gaar ahaana xasiloonida Soomaaliya iyo ka hortagga colaadda Koonfurta Suudaan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Soomaaliya waxaa ay khibrad u leedahay dhibaatooyinka ay gaajada iyo macluushu ku leedahay dal iyo dadkiisa haddii aan si deg deg ah looga hortagin. Waxaan ku baaqayaa in si habsimi ah looga jawaabo dhibaatadaasi cunna-yarida ah, haddii aan laga la isku xilqaaminna waxaa ay isu badalaysaa musiibo bani’aadannimo. Dhamaan dhinacyaddu waa in ay aqbalaan in si nabadgalyo ah loo gaarsiiyo gargaarka bani’aadanimo dadka dhibaataysan.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tusaale u soo qaatay dalka Soomaaliya.

Shirkan Urur Goboleedka IGAD oo ay ka qaybgaleen dhamaan madaxweynayaasha dalalka ku bohoobay IGAD iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa gabagabadii waxaa shirka kasoo baxay warmurtiyeed looga hadlay xaaladda dalka Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyana uu soo dhoweeyay warmurtiyeedkaasi iyo go’aanada kasoo baxay shirka.

no images were found

Qodobada looga hadlay warmurtiyeedka IGAD ee Soomaaliya:

Qodobkiisa 20aad waxaa lagu bogaadiyay horumaradda laga gaaray howlgaladda lagula dagaalamayo Nabad-diidka Al shabaab; Waxaa si kulul loogu cambaareeyay dilka ay kooxda Al Shabaab iyo Maleeshiyaadka kale ay u gaystaan dadka rayidka ah; waxaana loogu baaqay dalalka ka caawinaya Soomaaliya xasiloonida in ay si habaysan ay u fuliyaan howlgaladooda:

Qodobka 21aad Ayaa lagu looga codsaday Urur Goboleedka IGAD, dawladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iyo beesha caalamku in ay ka caawiyaan Soomaaliya dadaalada lagu dhisayo maamuladda goobaha la xoreeyay.

Qodobka 22 aad  ayaa loogu baaqay Urur Goboleedka IGAD iyo beesha caalamka in ay taageeraan dadaalada xoogan ee lagu dhisayo, laguna xoojinayo ciidan Soomaaliyeed oo xirfad leh iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Al Shabaab.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Government Spokesperson
Prime Minister’s Media Office
Addis Ababa, Ethiopia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online