Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

March 5, 2014 - Written by Editor

IMG_8812Muqdisho, March 5,2014——Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib saddex maalin oo booqasho rasmi ah uu ku tegay magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu booqashada ku joogay Abu Dhabi waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan, waxa uuna kala hadlay sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu dib ugu soo laabtay dalka waxa uu warbaahinta uga warbixiyay kulamadii kala duwanaa iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay, waxa uuna xusay in madaxda Imaaraadka Carabtu ay ka wada hadleen sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen dhismaha hay’addaha dawliga, gaar ahaana horumarinta illaha dhaqaalaha, Amniga, mashaariicda sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

“Kulamadii aanu la soo yeelanay madaxda Imaaraadka waxay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo natiijooyin wanaagsan nooga soo baxeen, waxayna noo balan qaadeen walaalaheena Imaaraadka Carabta inay na garab taagan yihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid xoogan.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM.
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online