Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka

March 24, 2014 - Written by Editor

IMG_0698Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa si kulul u cambaareeyey falkii foosha xumaa ee lagu laayay odayaasha dhaqanka kuwaasoo lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay iyaga oo ku sii jeeday guryahoodii.

Ra’iisul Wasaaraha DFS ayaa sheegay in falkani uu yahay mid aan sal iyo raad ku laheyn diinta islaamka, dhaqanka Suuban iyo Bani’aadanimada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen odayaashan.

“Waa fal aad u naxdin badan, waxaana geystay kooxo manaxayaal ah oo aan laheyn damiir islaanimo iyo mid Soomaali nimo” ayuu yiri  Ra’iisul Wasaaraha oo carabka ku adkeeyey in la dabageli doono dhagarqabayaashii falkan geystay, lana hor keeni doono Cadaaladda.

Ra’iisul Wasaaraha DFS oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Hogaamiyeyaasha dhaqanku waxay hormuud u yihiin nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka, waana halbowlaha bulshada Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed inay meel uga soo wada jeestaan dhagar qabayaasha dhiigooda baneystay”.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer,
PM office,
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online