Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka DFS iyo Safiirka Britain oo kulan gaar ah wada yeeshay

March 17, 2014 - Written by Editor

IMG_9701Muqdisho:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Soomaaliya ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka dawladda Britain ee Soomaaliya Neill Wigan, waxaana ay ka wada hadleen gargaarka bani’aadanimo ee la gaar siinayo dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka iyadoo Britain ay ka mid tahay dawladaha ka qayb-qaadanaya gurmadka iyo xasiloonida goobahaasi.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Ridwaan ayaa sheegay in xubno kamid ah Golaha Wasiiraada ay booqdeen magaalooyinka laga xoreeyay Nabad-diidka Alshabaab si ay uga qayb-qaataan in ay ka caawiyaan bulshadda deegaanadaasi xasiloonida iyo adeegyada kale ee dadweynuhu ay u baahan yihiin.

“Magaalooyinkaasi waxaa ka socda gurmad baaxad leh oo bulshada caalamku ay qayb ka tahay. Waan sii xoojin doonnaa gurmadka iyo dhismaha hay’adaha dawladda iyadoo ay nagala shaqayn doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta .

Ugu danbayntii Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ay socdaal ku tageen goobaha laga xoreeyay Nabad-diidka si ay kaalin muuqata uga qaataan gurmadka iyo xasilinta.

Garaad Salaad Xirsi
Senior Press Officer, OPM
E: media@opm.gov.so
@SomaliPM

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online