Safarkii Madaxweynaha Puntland uu ku tegay deegaanka Rakko-Raaxo.[Masawirada]

March 21, 2014 - Written by Editor

IMG_0875Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland oo dhowaan bilaabay safaro iyo kormeero uu ku tagayo deegaanada Puntland ayaa gaaray deegaanka Rakko-Raaxo oo ka tirsan G/karkaar , waxaana deegankaasi uu 85-km dhanka waqooyi bari kaga beegan yahay degmada Qardho ee xarunta Gobolkaasi.

Madaxweynaha oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Rakko , waxaana uu Madaxweyne Gaas bartamaha magaaladaasi kala hadlay dadweyne aad u fara badan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa shacabka Rakko uga mahad naqay sida diiran ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuu kaloo u sheegay in xukuumaddiisu ay ka tagayso deegaanada Fog ee Puntland si loo ogaado xaaladda dhabta ah ee ay ku nool bulshada ka baxsan deegaanada ku teedsan wadada laamiga ah.

” Ma aha in lagu koobnaado oo kaliya deegaanada saaran wadada laamig ah,taasi waa caddaalad darro , laakiin waa in la tagaa dhulka fog ee rafka ku yaalla, safarkii ugu horreeyey ee aan ku tagayo deegaanada lamiga ka baxsan idinka ayaa nasiib u yeeshay, insha allaahuna isbedelkii aanu ballan qaadnay waad naga arki doontaan” ayuu yiri Madaxweynaha Gaas.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas intii uu joogay deeganka Rakko, wuxuu kormeeray meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin Hospitalka,Dugsiga Hoose/Dhexe,Saldhiga Ciidanka,Ceelka Biyaha iyo meelo kale.

Madaxweyne Dr.Gaas wuxuu bulshada Rakko u balan qaaday inuu mushaharkiisa ka bixin doono kharashka lagu dhisayo dhismayaal lagu kordhin doono Dugsiga Hoose/Dhexe ee Rakko, sidoo kalena uu dadaal dheer u galayo in degmadu ay hesho ceel biyood casri ah oo dadka iyo xooluhuba cabbi doonaan.

Aqalka martida ee degmada Rakko waxaa ka qabsoomay kulan waqti dheer qaatay, kaasi oo ay isku waraysteen qaybaha kala duwan ee Bulshada Rakko iyo wafdiga madaxweyne Gaas hogaaminyay, waxaana si qotta dheer looga arrinsaday sidii shacabka Rakko ay uga qayb qaadan lahaayeen adkaynta Ammaanka,Hormarinta Deeganka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

no images were found

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas manta galinkii danbe waxay dib ugu laabteen magaalada Qardho, halkaasi oo ay xiligan gaareen, waxaana la fialayaa inuu safaro  dheeraad ah ku tago meelo kale oo Puntland ka mid ah.

–DHAMAAD–

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online