Sarkaal ka tirsan AMISOM oo sheegay inaysan doonayn in dagaalka looga adkaado Al-shabaab

March 12, 2014 - Written by Editor

amisom1Nairobi:-Wariye ka tirsan Wargeyska Star ee ka soo baxa Kenya ayaa waxaa uu waraysi gaar ah la yeeshay Askari ka tirsan ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi kaas oo dib ugu laabtay dalkiisa waxaa uu sheegay in Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan Soomaaliya aysan doonayn in awood Al-shabaab ay burburiyaan ama dagaalkoodu uu dhamaado iyadoo taas ay ugu wacan tahay in Soomaaliya ay u joogaa in dhaqaalo badan ay hellaan.

Wariye ka tirsan Wargeyska Star ayaa Sarkaalkaan uu la kulmay waxaa uu u sheegay in uu doonayo mar kale in uu ku laabto Soomaaliya  si uu uga soo hello dhaqaalo isagoo si cad u sheegay oo yiri, ” Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ma doonayaan in ay burburiyaan awooda Al-shabaab waayo wax faa’ido ah uguma jirto, oo jiritaanka Al-shabaab waxaa ay ku helayaan lacag aad u badan waan inoo muhiim  in ay ururka Al-shabaab sii jiraan.”

Sarkaalkaan ayaa waxaa uu ka waramay lacagta ay mushaar ahaan u qaataan waxaan uu yiri. ” Waxaan helnaa bil walba 1200 oo dollar iyo 500 oo doolar oo dheeri ah halka Askariga Soomaaliga ah ama kan jooga Burundi ay hellaan 50 dollar ama 16o dollar.”

Sarkaalkaan ayaa waxaa uu u sheegay  Wariyihii Wargeyska Star in lacagta uu ka soo hellay dalka Soomaaliya uu ku dhistay guri isagoo weliba ku duceystay in dagaalada Soomaaliya aysan dhamaan ilaa inta uu ka dhisanayo guriga ka qabyadda ah.

Arrinka uu ka hadlay Sarkaalkaan ka tirsanaa ciidanka AMISOM ayaa daaha ka qaaday u jeedka rasmiga ah ee ay Ciidanka Midowga Afrika u joogaan Soomaaliya in ay ugu weyn tahay in ay hellaan Dhaqaale iyo iyagoo arrinkaas uga faa’iidaysnaya khilaafka siyaasadeed iyo kan beeleed ee u dhexeeya shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Shisheeyey ee ku sugan Soomaaliya ee ku howl gala magac AMISOM ayaan ilaa hadda si cad loo aqoon tirada rasmiga ah ee ka jooga gudaha dalka Soomaaliya waxaase la sheegaa in ay joogaan Soomaaliya ciidan ka badan 20.000 kun oo askari marka laga reebo ciidanka Itoobiya ee dhawaan loo soo gashay koofiyadda AMISOM.

Waraysiga Sarkaalkaan ka tirsanaa AMISOM uu siyey Wargeyska Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa waxaa ku soo beegmayaa xili maalmihii u danbeeyey ay ciidanka Itoobiya duulaan ku qaadeen fariisamo iyo degaano ay gacanta ku hayaan Al-shabaab oo u yaal Gobollada Bay , Bakool iyo Gedo. Halkaan ka eeg Waraysiga The Star

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online