Sheekh Cabdalla Al-Muxeysini الشيخ عبدالله المحيسني oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda Suuriya
March 7, 2014 - Written by EditorSuuriya:-Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayna tabinayaa saxaafadda kala duwan gaar ahaan baraha internetka ee taageera dagaalka ka socda dalka Suuriya ayaa sheegay in الشيخ عبدالله المحيسني uu ku dhaawacmay dagaal ka dhacay magaalada Xalab dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidanka Jabhadda Islaamiga , Jabhadda Nusra iyo Ciidanka Islaamka oo isku dhinac ah iyo ciidanka dowladda Suuriya oo ay taageero ka hella dowladda Iran iyo Ruushka.
Sh.Cabdullaahi Al-Muxeysini الشيخ عبدالله المحيسني ayaa waxaa la sheegayaa in uu soo gaaray dhaawac aan cuslay uuna ka soo gaaray dhinac madax, Shiikh ayaa waxaa Aaabe u ah Qaariga weyn ee Quraanka ee Sacuudiga Sh. Al-Muxeysini الشيخ المحيسني.
Sh.C/llaahi Al-Muxeysini الشيخ عبدالله المحيسني ayaa ku biiray dagaalka looga soo horjeedo dowladda Suuriya mud ku dhow 8 bilood waxaan uu Sh/ C/llaahi Al-Muxeysini الشيخ عبدالله المحيسني uu dhowr jeer isku dayey in uu dhex dhexaadiyo Jabahadda islaamiga iyo kooxada isku magacawday dowlada Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) oo dagaalo ay ku dhexmareen degaano ka tirsan Suuriya.
Sheekh.C/llaahi Al-Muxeysini الشيخ عبدالله المحيسني ayaa ugu danbayntii waxaa uu dhaliil u soo jeediyey kooxada isku magacawday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo xadgudbay oo diiday in lagu lala baxo Kitaabka Alle. Sheekh Cabdalla Al-Muxeysini oo si dhab ah uga waramay kooxda Daacish (Dhageyso)
Warka oo faahfaahsan dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha Allaah.
M_M_Deeq
Halgan.net