Sh.Cabdinaasir Xaaji Axmed oo socdaal dacwo ku joogo Qatar.

March 18, 2014 - Written by Editor

shcabdinaasirQatar:-Sh. C/naasir Xaaji  Axmed (Abu Muxammad) oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano gudaha dalka Somalia, gaar ahaan waqooyiga dalka, xaruntiisuna tahay magaalada Laascaanood ayaa waxaa uu socdaal dacwadeed ku tegay dalka Qatar halkaas oo lagu wado inuu muxaadarooyin u jeediyo bulashada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Doha ee caasimada dalka Qatar.

Safarka Sheekha uu ku joogo wadanka Qatar ayaa wuxuu ka mid yahay safaro dacwo oy Culimada Soomaaliyeed ku soo booqanayeen jaaliyada Qatar  sanadahan dambe. Sheekh Cabdinaasir wuxuu ka mid yahay culimada dacwada mudada dheer ku soo jirey. Sidoo kalena aqoonta durugsan u leh diinta islaamka,  sida uu dardaarmay sheekha Soomaaliyeed Sheekh Shariif Cabdinuur (Allaha ilaaliye).

Maalmaha Jimcaha iyo Sabtida 21/22/3/14 Salaada cisha ayaa lagu balansanyahay inuu sheekhu muxaadarooyin ka jeediyo Qaacada Markazka Sheekh Cabdalla Bin Zaid Aal-Maxmuud(Fanar). Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu muxaadaro khaas ah u qabto shaqaalaha Soomaaliyeed ee Shirkada Turkiga  ee takfin oo ay ku sugan yihiin ku dhawaad  200 oo qof.

Waxaa xusid mudan inay jaaliyada Qatar ku biirtey meelaha ay culilmada Soomaaliyeed soo booqdaan dacwad ahaan walow culimo badan oo  aqoon u  leh culuumta diinta ay ku suganyihiin  Qatar.

Barnaamijkan culimada Soomaaliyeed ku imaanayaan Qatar ayaa wuxuu yimid  ka dib markii ay soo baxday kala daadsanaan xagga dacwada ah  iyo is dhigasho aad moodid inay ka timid ku kadsoomid lugu kadsoomay  ku dhex noolashaha wadan Muslim ah, taas oo keentay in  dad badan ay gabeen  barashada cilmiga iyo ka qayb galka  muxaadaraadka diiniga ah.

Ugu danbay waxaa xusid mudan kaalinta muhiimka ah ee  ay kaciyaraatay wasaaradda arimaha diinta ee wadanka Qatar(Awqaf) abaabulka dacwada jaaliyaadka muslimka ah ee ku dhaqan dalka Qatar, iyadoo gacan weyn ka gaysatay fududaynta booqashooyinka dacwada ee culimadu kuyimaadaan wadanka,  oo isbuuc kasta  marti galiso  culimo ka kalayimid dunida dacallaheeda.

Sheekha marka uu kasoo degay garoonka diyaaradaha Doha. ayaa waxaa soo dhaweeyey culimo iyo ducaad uu ka mid yahay Dr. Cumar Warsame.

Adam Abuzuhri
<abuzuhri1@gmail.com>

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online