Sh.Maxamed Cabdi Umal oo caawa ka jawaabay Su,aalo kala duwan (Masawiro)
March 22, 2014 - Written by EditorJigjiga:-Sh.Maxamed Macalin Cabdi Umal oo socdaal dacwadeed ku jooga magaalada Jigjiga
ee caasimada DDS waxaa uu caawa ka jawaabay su,aallihii xalay baaqiga ahaa ,sheekha oo la waydiiyay su,aallo aad u badan ayaa waxaa ka mid ahaa :xaaraam nimada xoolaha caamka ah iyo kuwa kale oo ay bulshadu ku diirsatay.
Sheekha Maxamed Cabdi Umal ayaa markay su,aallihii dhamaadeen ka hadalay dhibaatada iyo dulmiga lagu hayo qabiilka soomaalida ah ee soomaalidu liido isaga oo sheegay in ay dadku Hal aabo leeyihiin aaba hoodna ciid laga sameeyay.waxa uuna cadeeyay waxa lagu kala fali badan yahay ay tahay cabsida ilaahay isaga oo ku dheeraaday dulmigaa lagu haya dadkaa muslimiinta ah in la joojiyo kana codsaday bulshadii tirade badnayd ee isugu timid muxaadarada in dulmigaa meel looga soo wada jeedsado .
Dhankale waxa uu sheekhu u dardaarmay qabiilkaa soomaaliyeed ee dulmiga jaahiligu aabaha uyahay lagu hayo in ay diinta islaamka qabsadaan kuna dhaqmaan . Ugu danbaystii Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa u dardaar may reer jigjiga in ay ilaahay ka cabsadaan kuna dadaalaan barashada kitaabka ilaahay iyo sunadiisana iyo ku dhaqan kiisa ,.
no images were found
Sheekha oo caawa ay ahayd muxaadaradii 11 naad ee uu ka jeediyo magaalada jigjiga ayaa caawa soo gabagabeeyay muxaadaraadkii jigjiga loogu talagay. Hay,adda dacwada iyo waxbarashada dawladda deegaanka soomaalida Itoobiya ee Al-sunnah waxay idiin soo gudbin doontaa in shaa,allaah socdaalka dacwadeed ee Sh.Umal ku mari doono goballada DDS.
Al-Sunna
Jigjiga