Sh.Maxamed Cabdi Umal oo booqday xarumaha dacwada ee magaalada Jigjiga(Masawiro)

March 18, 2014 - Written by Editor

DSC00239Jigjiga:-Sh.Maxamed Cabdi Umal oo socdaal dacwo ku jooga magaalada Jigjiga ayaa maanta waxaa uu booqday Iskoolka Al-Nibraas labadiisa qeybood iyo iskoole kale sida Iskuulka Cumar Ibnu Khadaab. Sheekh.Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa socdaalkiisa booqashada ku weheliyey culumada iyo Ducaada magaalada Jigjiga waxay sidoo kale kormeer ku tageen Community School.

Sh.Umal ayaa aad ula dardaarmay ardaydii dhamaan iskuulada iyo Macaahida Islaamiga ee uu booqaday wuxuuna aad ugu dhiiri galiyey barashada diinta islaamka iyo in loo istaago in dacwada la faafiyo. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sidoo kale ardayda waxaa uu ku waaniyey in ay bartaan cilmiga maadiga si looga maarmo gaalada ayna wax u taraan umada Islaamka.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sii joogi doona dhowr maalmood magaalada Jigjiga waxaana  la filayaa in uu socdaal dacwo ku gaaro gobalada kale ee DDS. Ardayda uu soo booqday Sh.Maxamed Cabdi Umal iyo culumada kale ayaa aad ugu farxay booqashada Sheekha waxayna codsadeen in culumada kale ay sidaas u soo booqdaan

no images were found

Gobalka Soomaali Galbeed (Ogaadeeniya) ayaa waxaa haatan si weyn uga hana qaaday dacwada waxaana dardar ku socda horumarka dacwada iyo mashaariicda Musasada Al-Suna ay ka fulinayso iyada oo haatan gacanta ku heysa iskuulo iyo Macaahid tiro badan

Halgan.net
Al-Suna

-Jigjiga

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online