Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maanta muxaadaro u jeediyey dhalinyarad jigjiga (Masawiro)
March 22, 2014 - Written by EditorJigjiga:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah oo socdaal dacwadeed ku jooga magaalada Jigjiga ayaa waxaa uu muxaadaro gaar ah u jeediyey dhalinyarada ku dhaqan magaalada Jigjiga ee xarunta DDS waxaana Sheekha uu muxaadaradiisa ay ahayd cinwaankeeda (كن شابا نشا في عبادة ربة)
Muxaadarada uu Sheekh Umal ka jeediyey manta Masjidka Jaamica ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan dhalinyarada dhigata macaahida iyo iskuulada waxaana ay dhalinyarada ay buuxdhaafiyeen Masjidka iyo Hareerahiisa.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ku booriyey dhalinyarada
1:barashada cilmiga shareecada
2:lafadhiisiga culimada islaamka
3:laazimitaan ka daacada ilaahay iyo in loo hogaan samo awaamirta diinta islaamka .
4:in laga fogaado macsida ilaahay
5:kafogaanshaha saaxiibka xun
6:laazimitaanka kaad siinyada iyo ta,aniga
7:in looga faa iidaysto wakhtiga wax aakhiro iyo aduun ka an facaya qofka
8: badinta ducada iyo alle kuxidh naanta
9: in ay dhalinyaradu guursadaan cidii awoodda cidaan awoodinna in uu soonka laazimo
In taa kadib sheekh maxamed cabdi umal waxuu aad ugu dheeraaday dhibaatada haysata dhalinyada soomaaliyeed maanta meel ay joogtaba taa oo uu sheikhu ku tilmaamay in ay tahay markay dhalinyadaradee ka fogaadeen culimadiii soomaaliyeed ayaa waxaa hogaanka uqabtay niman aan wax cilmi ah ku dhaamin , taa sina waxay keen tay in 80jir ku gaboobay fidinta dacwadda lagu janotago.
no images were found
Ugu danbaystii waxa uu sheekhu ugu dardaar may dhalinyadii soo xaadirtay muxaadarad in ay bartaan cilmiga shaciga, kuna xidhnaadaan culimadaada ,iskana ilaaliyaan figradaha khaldan ee lagu kadinayo dayarta,
Sheekh Maxamed Cabdi Uma ayaa sii wadi doona muxaadaraadka iyada oon mar wal ba idiin soo gudbin doono nashaadaadka dacwadeed ee sheekha .inshaa,allhaa.
Al-sunnah
jigjiga