Sheekh Maxamed Cali Biixi oo Muxaadaro ka jeediyey Dugsiga sare ee Nuuradiin (Masawiro)

March 3, 2014 - Written by Editor

Photo-0018Hargeysa:-Sh.Maxamed Cali Biixi oo Muxaadaro ka jeediyey dugsiga sare ee nuuradiin Sheikh Maxamed Cali Biixi oo ka mid ah culimada waawayn ee wadanka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan mu,asasada dacwada iyo horumarka ee Al-Karam ayaa saaka booqday dugsiga sare ee Nuuradiin ee magaalada Hargaysa qaybta gabdhaha (Noradin girls high school) Sheikha ayaa waxa uu ka hadlay mowduuc uu ugu magacdaray يا أختاه إحذري أن يؤتى الإسلام من قبلك ) (Ka digtoonow in xagaaga islaamka looga soo dhaco).

Sheekha oo ay dhagaysanayeen boqolaal ka mid ah ardayda wax ka barta dugsiga sare ee Nuradin gaar ahaan hablha ayaa ku dhiiri galiyey ugu horayn in ay ilaahay ugu mahad naqan nimcada uu siiyey isla markaana sheekhu waxa uu xasuusiyey ardayda xaaladihii la soo maray iyo sida ardayda dhibka loogu gaysan jiray hadii lagu arko wax calaamad ah oo muujinaya diin iyo islaanimo, waxa uu sheekhu yidhi :,, waqtigii aan wax dhigan jirnay waxa lagu qasbi jiray in ay inantu dhex fadhiisato laba inan dhexdood, iyada oo xidhan shaadh iyo surwaal waliba ku giijisan.

Sida oo kale waxa uu sheekhu kula dardaarmay hablaha in ay ka digtoonaadaan kuwa ku dooda xoraynta gabadha iyo waxyaalaha la midka ah diintoodana ilaashadaan. Guntii iyo gabagabadii sheekhu waxaa uu u duceyey maamulka macalimiinta iyo ardayda wax kabarata dugsiga sare ee Nuradin.

no images were found

Dugsiyada Nuradin oo ka kooban sare hoose iyo dhexe intaba oo ku yaala meelo kala duwan oo ka mid ah caasimada s/land ee Hargaysa ayaa waxay ku caan bexeen aqoon akhlaaq iyo in ay markasta culimada ku martiqaadan xarunta dugsiga.

Mu,asasada dacwada iyo horumarka ee Al-Karam
Hargeysa

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online