Sh Fu’aad Maxamuud oo muxaadaro ka jeediyey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee Qardho

March 13, 2014 - Written by Editor

fuaadQardho:-Waxaa caawa lagu qabtay Masjidka wayn ee Cumar Binu Khadaab ee Qardho muxaadaro cinwaankeedu ahaa (Raadka iyo saamaynta ay ku leedahay macsiyada Qofka iyo bulshada dhexdeeda ).Waxaa muxaadaradan soo jeedinayay ilaahay ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh.Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur waxana shiikhu intuu ka hadlayay muxaadaran waxa uu si wayn uga hadlayay dhibaatada ay leedahay macaasida iyo raadka ay ku leedahay bulshada dhexdeeda.

Shiikh Fu’aad ayaa muxaadaradiisa ku bilaabay in macsiyadu ay sabab u tahay in uu qofku uu ka xishoon waayo Nabiga (S.C.W) arinkaasna waxaa daliil u ah xadiiska ( Hadaadan xishoon sameey waxa aad doontid ) arinkaasina waa goodi loo goodinayo qofka sameeya xumaanta .

Shiikhu waxa uu si wayn ugu nuux nuuxsaday in dhaqamada xun xun ay yihiin wax dhawaan soo galay dhaqanka soomaaliyeed , kana yimid reer galbeedka iyo wadamada gaalada. Shiikhu waxuu ka waramay dhaqamadii xumaa ee soo galay Soomaaliya sanadihii sideetamaadkii in ay soo rogaal celiyeen dhaqamadaas waxana uu shiikhu sheegay in dhaqamadaas looga adkaan karo oo kali ah in dhalinyarada laga wacyi galiyo dhaqamadaas oo lagu baraarujiyo in ay yihiin dhaqamada laga keenay gaalada iyo reer galbeedka oo aysan muslimiintu shaqo ku lahayn.

Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur yaa ka hadlay dhibaatada ay warbaahintu ku hayso dhalinyarada oo uu sheegay in dhaqan xumada dhalinyaradu ay ka keenaan warbaahinta reer galbeedka , waxa uu sheegay shiikhu xusay in dhibaatadan oo dhan looga hortagi karo in warbaahinta looga faa’iidaysto in laga siidaayo barnaamijyo wacyi galin ah oo looga faa’iidaynayo dhalinyarada.

Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur  ayaa kula dardaarmay maamulada in ay ka qayb qaataan difaaca mabaadidda iyo akhlaaqda umada sidii loo wanaajin lahaa oo loo heli lahaa maamul iyo bulsho isku xiran oo hal meel uga soo wada jeeda difaacida diinta iyo akhlaaqda wanaagsan .

Sh.Fu’aad Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira dalka oo ay ka mid yihiin Qabyaalada , Sicir bararka , Amnidarada , Jirooyinka , dhibaatada sigaarka , maandooriyaha iyo wixii la mid ah ay dhamaantood sabab u yihiin Macaasida iyo dunuubta. Shiikh Fu’aad ayaa maalmihii u dambeeyay ka waday gudaha maagalada Qardho iyo magaalooyinka kale muxaadarooyin lagu dardar galinayo dacwada magaalada Qardho iyo magaalooyinka kale ee Puntland gaar ahaan magaalada Boosaaso iyo magaaloyin kale.

Halgan.net/Qardho

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online