Tababarkii ugu horeeyey oo Shahaado lagu qaadanaayo ee u qabtay C/fataax Cajab.[Masawiro]

March 22, 2014 - Written by Editor

P1020236Boosaaso:-Tababare C/fataax Max’uud Ducaale Cajab Ayaa tababarkii ugu horayay ee shahaadu lagu qaadanaayo ku qabtay Boosaso tabarkaas oo ka dhacay Mac-hadka ABUU HURAYRA oo ah mac-hadka hawshaan fulinaayay asagu , Tababarkaa waxaa ka faa’idaystay arday aad u tira badan oo isugu jira ardayda jaamacadaha , macaahida iyo kuwa dugsiyada sare , shahaadada tabarkaan lagu baranaayay sidaad u khulaasayn lahayd buugta si aad si sahlan ugu xifdido ayaa waxaa bixinaaya Markazka Axmed Quduus ee dalka Masar .

Tababarkaan markii hore ardaydu waxay qateen sidda loo samayo Mindmapping (طريقة رسم الخريطة الذهنية)  ka dibna ardayda ayaa kooxa loo qaybiyay oo loo dhiibay buug aysan waligood arag , waxaana laga dalbaday inay ku soo koobaan mudo 30 daqiiqo ah uguna badalaan hab sawir iyo qoraal ah ama Map ah .

Markii kowaad ardaydu waa ku guulaysteen waxayna soo bandhigeen nuxurkii ay sameeyeen isla galabtiina ardaydu waxay qaateen buug labaad oo kii hore ka badan oo asna aysan ardaydu horay u arag . Gabagabadii barnaamijka waxaa kalmad lasiiyay maamulaha Mac-hadka Abuu hurayra Sh.Axmed Faarax warsame ( Garaase ) asagoo uga mahadnoqay waxaa u soo kordhiyay tababare  C/fataax Cajab oo ah mashruuc laga faa’iday una baahan in intaan ka badan laga sii qaato.

Waxaa kale oo isna kalmad qaatay gudoomiye ku xigeen Mu’asasada al-minhaaj Ciise Siciid Maxamed asagoo mahad balaaran u jeedshay Maamulka Mac-hadka Abuu Hurayr oo asagu dadaal dheeraada ku bixshay sidii ay u suurta geli lahaayeen tababarkaan iyo kuwa la mid ah oo horay loo qabtay , wuxuu kale oo u mahadnaqay xubna firfircoon oo ayana kaalin lixaadle kaga jiray fulintaanka barnaamijkan .

no images were found

Isku soo wada duub oo waxaa lays oran karaa Ustaad C/fataax wuxuu baryahan soo kordhiyay baraarug horumarinta bulshada ah dhankastaba.

Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online