Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jen Zakariye Sheekh Ibraahim oo soo gaaray Muqdisho

March 21, 2014 - Written by Editor

1Muqdisho:-Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jeneraal Zakariye  Sheekh Ibraahim ayaa maanta wuxuu soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Salah Annadif.

Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jeneraal Zakariye  Sheekh Ibraahim ayaa waxaa uu cisbitaalka ku booqaday ciidamada dalka Jabuuti ee ku soo dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Degmada  Buula-burte wuxuuna alle uga rajeeyey caafimaad degdeg ah.

Zakariye Sheekh Ibraahim Taliyaha ciidamada dalka Djibouti ayaa waxaa uu  u ballan-qaaday in ciidamada Jabuuti daryeel iyo kaalmo dhinac walba leh.

Taliyaha ciidamada Djibouti ayaa  warbaahinta la hadlay intaaas ka dib waxaana uu sheegay in ciidamada Jabuuti ay sii kordhin doonaan taageerida shacabka Soomaaliyeed iyo DFS ayna wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha ciidamada dalka Djibouti Jeneraal Zakariye  Sheekh Ibraahim ayaa waxaa uu galabta kulan balaaran la qaatay taliyaha ciidamada Midowga Afrika  Silas Ntigurirwa ,iyo  ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Mohamed Salah Annadif waxayna ka wada hadleen arimaha amniga Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online