Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland oo ka waramaya Burcadbadeed ah lagu soo wareejiyay Puntland.[Cod/Masawiro]
March 28, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur ayaa waxaa uu saxaafadda uga waramay Maxaabiis gaaraya ilaa 9 qof oo burcadbadeed ah oo shalay lagu soo wareejiyey Puntland ka dib hishiis ay wada gaareen dowladda Seychelles iyo Puntland.
Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur ayaa sheegay in dhawaan Puntland lagu soo wareejin doono dhalinyaro kale oo burcadbadeednimo ku eedeysan oo ku xiran wadanka Seychelles iyagoo xabsigooda ku dhamaysan doona Puntland loona fidin doono adeegyo caafimaad iyo waxbarasho inta ay ku xiran yihiin Xabsiyadda Puntland.
Taliyaha ciidanka asluubta Puntland Gen.Cali Nuur Cumar oo la hadlay maxaabiista la keenay Garoowe ayaa waxaa uu u sheegay in si wanaagsan oo cadaalada ah loola dhaqmi doono ayna inta u dhiman xabsigooda ay ku dhamaysan doonaa Xabsiyadda Puntland.
Maalintii shalay ayaa Dowladda Seychelles ayaa waxaa ay si rasmi ah ugu soo wareejisay Puntland ilaa sagaal Burcadbadeed ah oo in mudo ah ku xirnaa Xabsi ku yaal wadanka Seychelles iyagoo ku xukunaa Xabsiyo gaaraya 10 ilaa 20 sanno oo xarig ah.
Taliska ciidanka Asluubta Puntland ayaa isla shalay markii laga soo dejiyey maxaabiista garoonka diyaaradaha ee Garoowe waxaa lagu wareejiyey maxaabiistaan iyadoo goobta uu ku sugnaa Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur iyo masuuliyiin ka tirsan Hay’adda UNODC.
no images were found
Hoos ka dhagayso waraysiga Taliyaha Ciidanka asluubta Dowladda Puntland Gen.Cali Nuur
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/1fl49gsg1m/taliyaha_asluubta.mp3] Halkaan ka dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net