Wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka oo gaaray Kampala[Masawiro]

March 10, 2014 - Written by Editor

IMG_4173Kampala:-Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa soo gaaray magaalada Kampala ee caasimadda Uganda halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar ayaa ah Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo iyagu la isku yiraahdo Gudoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanku ka koobanyahay waxaana ay Kampala u yimaadeen ka qeyb galka aqoon kororsi sare loogu qaadayo howlaha guddiyada kaasi oo ay qabaneyso hay’adda Awepa.

Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Entebbe International Airport ayaa xusay in safarka wafdigan ballaaran ee ka socda Baarlamaanka ee uu hogaaminayo uu qaadan doono mudo Shan cisho islamarkaasina ay mudadaasi xubnaha Guddiga Joogtada ah qaadan doonaan aqoon kororsi iyo qibrad is dhaafsi taasina ay tahay mid ballaarinta iyo hormarinta howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gacan weyn ka geysan doonta.

Xogahayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa isna dhankiisa saxaafadda waxa uu u faah faahiyey shaqada mudada shanta cisho ah ee ay joogayaan Kampala guddiga Joogtada ah waxaana uu xusay in howlahaasi ay ugu horeyso qorshe howleedka uu Golaha Shacabka ku shaqeynayo sanadkan 2014 gaar ahaanna howlaha horyaala Baarlamaanka kalfadhiga Afaraad iyo adkeynta la xisaabtanka howlaha fulinta.

no images were found

Tallaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay hirgelinta heshiiskii ay magaalada Kampala ku kala saxiixdeen bishii August ee sanadkii aynu kasoo gudubnay ee 2013 Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo Uganda ayadoo wixii xiligaasi ka dambeeyeyna uusii xoogeysanayey wadashaqeynta iyo xiriirka uu Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la leeyahay Baarlamaannada kale ee caalamka.

—DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online