Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda DFS oo taageero ka codsaday wadamada Carabta (Masawiro)

March 11, 2014 - Written by Editor

IMG_1917Qaahira:-Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa  kaga qeybgalay Magaalada Qaahira  ee Caasimadda Masar Shirka caadiga ah ee Wasiirada Arrimaha dibadda  Carbeed wareegiisa 141-aad , kaasoo gelinkii dambe ee maanta la soo gaba-gabeeyay

Kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Carabta ayaa waxaa loogu gogol xaarayay Shir madaxeedka hogaamiyaasha carbeed  wareegiisa 25-aad oo ka socon doona Caasimadda Kuwait maalmaha 25-26 March .

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa kulankaasi khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay baahida dowladda Federaalka Soomaaliya ay u qabto taageera maaliyadeed iyo mid milatari oo dhameystiran oo suuragelin karta tayeynta iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya .

H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa ugu baaqay wadamada carabta inay kaalin muuqata ka cayaaraan howlaha horumarinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya , isagoo ku booriyay inay dib uga furtaan Caasimadda Muqdisho safaaradihii ay ku lahaayeen .

Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxaa ka horeeyay fadhi ay yeesheen Safiirada iyo ergada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta , iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya uu kulankaasi uga qeyb galay danjiraha Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ahna ergeyga joogtada ah ee u qaabilsan Jaamacadda Carabta Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud.

War murtiyeed laga soo saaray Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda Carbeed ayaa waxaa ay ku qireen taageeridooda dowladda Federaalka Soomaaliya .
Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa mudadii uu shirka ka soconayay Magaalada Qaahira , waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeeshay Ra’iisul wasaare kuxigeenka koowaad ahna Wasiirka Arrimaha dibadda Kuwait Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah  , Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Dr. Nabil El Araby , Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada Masar Nabil Fahmy,  Iraq Hoshyar Zebari , Sultanate Oman Yusuf Bin Alawi ,Comoros Dr. Al-Arif Sayed Hassan , Morocco Salahuddin Mizwar , Algeria  Ramadan Lamamra

no images were found

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Bahrain Ghanim bin Fadhl Al-Buainain , danjirayaal iyo wakiilada hey’adaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee shirkaasi lagu cazuumay, waxa uuna kala hadlay taageerida hey’adaha kala duwan ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , si dowladdu ay ugu guuleysato hindisaheeda  horumarinta iyo nabad ku soo dabaalidda dalka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online