Wasiirka amniga Puntland oo S/land ku eedeyey in ay taageerto Al.shabaab.[Dhagayso]
March 25, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka Amniga Maamulka ee dowladda Puntland Xassan Cismaan Aloore oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Daljir ayaa waxaa uu ku eedeeyey maamulka S/lland in uu taageero ururka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis iyagoo gacan ku siiyey in ay weeraro iyo dilal qorshayn ka fuliyeen deegaanada Puntland ka dibna madaxweynaha maamulka S/land uu ku siiyo Shahaadooyin.
Wasiirka Amniga Maamulka ee dowladda Puntland Xassan Cismaan Aloore ayaa sheegay in ay ka war hayaan in xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab ay ku sugan yihiin S/land halka qaar kalena ay u fududeeyeen in ay soo galaan Buuraha Golis si ay amni xumo uga ridaan Puntland.
Waa markii ugu horaysay oo masuul sare oo ka tirsan Puntland uu si toos ah ugu eedeeyo maamulka S/land in ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-shabaab ee dagaalka ka wada Koonfurta, Bartamaha Soomaaliya iyo Puntland.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka S/land ee loo jeediyey eedeynta ku saabsan in ay taageeraan oo xiriir wada shaqayn ka dhexeyso ururka Al-shabaab ee uu hogaamiyo Axmed Cabdi Godane.
Hoos ka Dhagayso waraysiga wasiirka amniga Puntland Xassan Aloore uu siiyey Radio Daljir.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/x0e5ltxot3/Aloorewaraysi.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net