Wasiirka amniga Puntland oo S/land ku eedeyey in ay taageerto Al.shabaab.[Dhagayso]

March 25, 2014 - Written by Editor

AlooreBoosaaso:-Wasiirka Amniga Maamulka ee dowladda Puntland  Xassan Cismaan Aloore oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Daljir ayaa waxaa uu ku eedeeyey maamulka S/lland in uu taageero ururka Al-shabaab ee ku jira Buuraha Golis iyagoo gacan ku siiyey in ay weeraro iyo dilal qorshayn ka fuliyeen deegaanada Puntland ka dibna madaxweynaha maamulka S/land uu ku siiyo Shahaadooyin.

Wasiirka Amniga Maamulka ee dowladda Puntland  Xassan Cismaan Aloore ayaa sheegay in ay ka war hayaan in xubno muhiim ah oo ka tirsan Al-shabaab ay ku sugan yihiin S/land halka qaar kalena ay u fududeeyeen in ay soo galaan Buuraha Golis si ay amni xumo uga ridaan Puntland.

Waa markii ugu horaysay  oo masuul  sare oo ka tirsan Puntland uu si toos ah ugu eedeeyo maamulka S/land in ay gacan saar la leeyihiin ururka Al-shabaab ee dagaalka ka wada Koonfurta, Bartamaha Soomaaliya iyo Puntland.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka S/land ee loo jeediyey eedeynta ku saabsan in ay taageeraan oo xiriir wada shaqayn ka dhexeyso ururka Al-shabaab ee uu hogaamiyo Axmed Cabdi Godane.

Hoos ka Dhagayso waraysiga wasiirka amniga Puntland Xassan Aloore uu siiyey Radio Daljir.
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/x0e5ltxot3/Aloorewaraysi.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online