Wasiirka arimaha dibada ee DFS oo caawa gaaray dalka Kenya

March 20, 2014 - Written by Editor

DSC04430Nairobi:-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta gaaray Caasimadda Nairobi ee Kenya , isagoo ka ambabaxay Muqdisho , waxaana booqashadiisa magaaladaasi ay la xiriirtaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Kenya H.E. Amina Mohamed oo ay kulan gaar ah yeelan doonaan .

Kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya, kana qeybgali doono daniraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya Ambassador Mohamed Ali Nur ayaa waxaa looga wada hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka,qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya iyo qodobo kale.

Waxaa la qorsheyanayaa in kulankaasi marka uu soo idlaado , in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo wafdigiisa ay u ambabaxaan Magaalo madaxda Kuwait , oo uu kaga qeyb gali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carabta ee loogu gogol xaarayo shir madaxeedka carbeed wareegiisa 25-aad , oo qabsoomi doona maalmaha 25-26 bishan .

Shir madaxeedka carbeed ayaa waxaa ka horeyn doona afar kulamo oo gogol xaar ah , waxaana ugu horeeya kulanka maanta u furmay mas’uuliyiinta sare ee golaha dhaqaalaha, waxaa xigi doona beri oo Jimce ah fadhiga ergada joogtada iyo mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed si ay u diyaariyaan feylka siyaasadda, maalinta Sabtida ah waxaa kulmi doona golaha dhaqaalaha iyo bulshada oo heer wasiir ah , maalinta Axad waxaa kulan gogol xaar geba-geba ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed si ay u dejiyaan qorshaha jadwalka shaqo ee shirka iyo war murtiyeedka ee la hor dhigi doono hogaamiyaasha Carabta si ay u meel-mariyaan .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka rajeynaysaa shirkaasi in Wadamada Carabta ay ku dhawaaqaan xilliga uu furmayo shirka maal-gelinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta lagu go’aamiyay .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online