Wasiirka Waxbarashada Puntland Dr.Cali Xaaji oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.[Dhagayso]

March 12, 2014 - Written by Editor

caliGaroowe:-Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa maanta waxaa uu shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe isagoo cadeeyey in dowladda Puntland ay u qoondaysay Miisaaniyadda waxbarshada in la gaarsiiyo todobo boqolkiiba 7% halka markii hore ay ahayd saddex 3%.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in la kordhiyey miisaaniyadda loo qoondeeyey wasaaradda waxbarshada Puntland oo wasaaradihii hore ee Puntland aysan hellin.

Wasiirka waxbarashada Puntland Dr. Cali Xaaji Warsame ayaa soo dhaweeyey go’aanka uu Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uu ugu kordhiyey miisaaniyadda wasaaradda waxbarshada isagoo xusay in dhawaan uu soo bixi doonto wareegto lagu amrayo wasaaradda maaliyadda Puntland in ay qoon deeyaan miisaaniyadda wasaaradda waxbarshada ee Puntland.

Hoos ka Dhageyso shirka Jaraa’id ee Wasiirka waxbarashadda Puntland Dr Cali Xaaji Warsame uu ku qabtay Garoowe.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online