Waxaa soo fadhiisanaysa Diyaaradii Culimada lagu qaadi lahaa

March 5, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Kismaayo:-Waxay ahayd dhamaadkii 2004tii waxaa safar dacwo ah noogu yimid magaalada Kismaayo culimada kala ah Sheekh.Maxamuud Macalim Nuur( allahaa u naxariistee) ahaana hogaamiyihii wafdiga culimada, Sh.Axmed C/samad, Sh.Axmed Cabdi Aadan. iyo Ustaad Cumar Maxamuud, waxay culimada ka yimaadeen magaalada Muqdisho.

Waxaan ahaa mas,uulka culimada barnaamijtooda maamulaayay, maalin maalmaha ka mid ah anigoo ka maqan xaruntii culimada ay deganaayen waxaa la soo sheegay in mar dhaw diyaarad ay soo fadhiisanayso garoonka diyaardaha ee magaalada Kismaayo si culimada loogu afduubo oo loo dhoofiyo, fartiintaa waxay ka timaaday sidda markaa la ii sheegay nin istaaf u ahaa Barre Hiiraale oo markaa madax ka ahaa magaalada, ninkaa istaafka oo sirtaa ogaaday waxaa uu la soo xiriiray Aadan Coombe oo ka mid ahaa raggii wadaadda ahaa ee reer Kismaayo.

Waxaa u yimid culimadii goor casarkii ah Aadan Coombe iyo rag kale oo culimada ula cararay xaafad kale si diyaaradii soo dagaysay aan loogu qaadin culimada, markii culimadii lala cararay oo la geeyay xaafadii kale ayaa waxaa la ogaaday in aysanba diyaarad jirin, waxaan mar danbe ogaanay in barnaamijku uu ahaa in culimada la argagax geliyo oo rag alshabaab ahaa ay soo abaabuleen, waxayna ka mid ahayd dicaayaadka la rabay in shacabka lagu kiciyo oo been abuurka ahaa.

Culimada way ku baraarugsanaayeen in warku uu yahay dicaayad oo waxayba ka  yimaadeen oo ay degenaayeen magaalada Muqdisho laakiin ragaa mas,uulka ka ahaa ayay iska talo yeeleen oo ay u raaceen xaafadii kale oo ay ku sugnaayeen mudo kooban.

Raggii soo abaabulay arinkaasi dhamaan waa rag hadda la jooga shabaabka oo shabaab ah, waxaan kale oo aan xasuustaa isla habeenkaa waxaa uu galay Sh.Axmed C/samad muxaadaro cinwaankeedu uu ahaa الخوف من الخوف
(CABSIDA AYAABA CABSIDA KEENTO) masjidka taqwa oo ku yaalay xaafada suuq yaasiin, oo uu ula dan lahaa waxii maalintaa dhacay iyo sida dadka si been ah khowf loogu abuuraayo, waxay ahayd taatiko aad looga soo shaqeeyay oo been abuur ah dhoofinta culimada oo dadkana lagu kiciyay arintaa oo ay Al-shabaab abaabulaayeen
in mudo ah, dadkana ilaa hadda run ayay u maleeyaan in yar marka laga reebo.

W/Q Maxamed Aadan Abdile
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online