Wiil uu Dhalay Col.Qadaafi oo loo gacan galiyey dowlada Libya
March 6, 2014 - Written by EditorLibya:-Wiil uu Dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Libya Col.Qadaafi Sacdi Qadafi ayaa waxaa loo gacan galiyey dowlada Libya waxaana u gacan galisay dowladda Niger oo ay saaxiib dhow ahaan jireen Madaxweynihii la dilay ee dalka Libya Col Mucamar Al-Qadaafi.
Sacdi Qadafi ayaa u baxsaday dowladda Niger ka dib markii xukunka laga tuuray aabihiis waxaana sidoo kale xiran Sayful Islaam oo ah da,adii ka weyneyd Sacdi Qadafi
Qaar ka mid ah Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah ayaa sii daayey Muuqaalo cadeynaya Sacdi Qadafi oo loo dhiibayo dowlada Libya iyo isaga oo xabsiga la dhigay oo ay wareysanayaan Booliska dalka Libya.
Warbaahinta dalka Libya ayaa sheegtay in dhawaan Maxkamad la soo taagi doono Sacdi Qadafi isaga oo lagu eedeeyey in uu u geystay falal gabood fal ah shacabka Libya.
A/Cawale
Halgan.net