Xaflad balaadhan oo ka dhacday Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanod
March 13, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Machadka Al-furqaan ee culuumta shareecada iyo Luqadda Carabiga ee magaalada Laascaanood ayaa xaflad balaadhan oo abaal-marino lagu gudoonsiinayey ardaydii kaalmaha ugu horeeya ka gashay imtixaankii teeramkan ee machadka u qabtay Ardaydaas.Xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan Maamulka Machadka, Macalimiinta iyo Arday aad u tiro badan,ugu horeyna waxaa xaflada lagu furfuray Aayado Quraan ah,intaa ka dibna waxaa halkaas ka soo jeediyey kalmad ku saabsan hadafka xafladan loo qabtay iyo dardaarano qaaliy ah Sh. Yuusuf Haybe Ibraahim oo ah maamulaha Machadka Al-furqaan isagoo sheegay in Xafladani ay tahay mid lagu maamusayo ardaydii gashay kaalmaha hore isla markaana ay kor uqaadayso firfircoonida iyo dadaalka Ardayda guud ahaan.
Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadlay dad badana oo iskugu jiray Culimo, Macalimiinta Machadka, Maamulka Golaha Ardayda ka baxday Machadka iyagoo ardayda ku booriyey ilaalinta aadaabta culimga sida: ixtiraamka culimada,ku dhaqanka cilmiga,faafinta dacwada iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dhaawacaya akhlaaqda iyo aqoonta ardayda. Ugu dambayna halkaaasi abaalmarino fara badan lagu gudoonsiiyey ardaydii mutaysatay iyo waliba qaar ka mid ah kuwii soo xaadiray,iyadoona laba xilli loo kala sameeyey gabdhaha iyo wiilasha.
Halgan.net