Xaflad balaadhan oo ka dhacday Machadka Al-furqaan ee magaalada Laascaanod

March 13, 2014 - Written by Editor

DSC00576Laascaanood:-Machadka Al-furqaan ee culuumta shareecada iyo Luqadda Carabiga ee magaalada Laascaanood ayaa xaflad balaadhan oo abaal-marino lagu gudoonsiinayey ardaydii kaalmaha ugu horeeya ka gashay imtixaankii teeramkan ee machadka u qabtay Ardaydaas.Xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay dhamaan Maamulka Machadka, Macalimiinta iyo Arday aad u tiro badan,ugu horeyna waxaa xaflada lagu furfuray Aayado Quraan ah,intaa ka dibna waxaa halkaas ka soo jeediyey kalmad ku saabsan hadafka xafladan loo qabtay iyo dardaarano qaaliy ah Sh. Yuusuf Haybe Ibraahim oo ah maamulaha Machadka Al-furqaan isagoo sheegay in Xafladani ay tahay mid lagu maamusayo ardaydii gashay kaalmaha hore isla markaana ay kor uqaadayso firfircoonida iyo dadaalka Ardayda guud ahaan.

Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadlay dad badana oo iskugu jiray Culimo, Macalimiinta Machadka, Maamulka Golaha Ardayda ka baxday Machadka iyagoo ardayda ku booriyey ilaalinta aadaabta culimga sida: ixtiraamka culimada,ku dhaqanka cilmiga,faafinta dacwada iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dhaawacaya akhlaaqda iyo aqoonta ardayda. Ugu dambayna halkaaasi abaalmarino fara badan lagu gudoonsiiyey ardaydii mutaysatay iyo waliba qaar ka mid ah kuwii soo xaadiray,iyadoona laba xilli loo kala sameeyey gabdhaha iyo wiilasha.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
March 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online